Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya oo adkeyey amnigoda[Warbixin]

$
0
0
Baaritano laga waddo Kampala

Baaritano laga waddo Kampala

Kampala [RBC Radio]Tan iyo markii warer xooggan lugu qaadday xarunta ganacsiga ee westgate ee magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,waxay cabsi xooggan la soo gudboonatay dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya,maadama kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee al-Shabaab ay sheegen in weerarka ay u qaaden argoosi.

Waxana weererka westgate uu dhaliyay in howlgallo amniga lugu xaqiijinayo ay ka bilowdan magaalada Kampala ee caasumada uu ah dalka Uganda.

Dhamaan ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa si buuxda heegan loo geliyay kuwaasi oo xaqiijinaya ammaanka dalkaasi, waxaana wararka sheegayaan in gudaha magaaladda Kampala ay booliiska baaritaan ka wadaan.

Ciidanka dalka Uganda ayaa la sheegay inuu billaabay baaritaan lagu xoojinayo ammaanka,taasoo timid kaddib weerarka ay sheegatay Alshabaab ee lagu qaadday xarunta ganacsiga ee westgate ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxana jirta in ciidanka ayaa baaraya dadka soo galaya iyo kuw baxaya magaalada Kampala iyo goobaha ay dadku isugu tagaan,waxana ay ciidamadu sheegen in howlgalladan uga goleeyihiin kuwo lagu sugayo amniga dalka, laguna doonayo in looga hortago falal keeni kara amni-darro.

Arrintan waxaa ay imaanaysa xili dalka Uganda ay ku nolyihiin Soomaali badan,balse waxaa jirta in xiligan Soomaalida dalkas ay ku kala warqadanayaan sidii ay uga taxadari lahaayeen in lugu soo dhex dhunto.

Dhinaca kale madaxda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda ayaa ugu baaqay dadka Soomaalida inay ciidanka garab ku siiyaan sugidda amniga kuna hoggaansamaan sharciga, maadaama hawlgallani ay qeyb ka yihiin sidii amnigood loo sugilahaa.

Waxaa la caddeyey in baaritana iyo ciidamada la soo dhoobay magaaladda Kampala ee caasumada dalka Uganda ay timid ka dib markii weerar maalintii saddexaad ka socda dhismo ganacsi oo ku yaalo Magaalada Nairobi.

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles