Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Bam gacmeed lagu weeraray guri uu magaaladda Kismaayo ka daganna taliyaha saldhigga dhexe

$
0
0
Kismaayo

Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Maxamed Cabdi Buulle oo warbaahinta lahadlay,waxaa xalay lagu weeraray guri uu daganaa bam nooca gacanta laga tura ah,waxana uu sheegay taliyuhu inusan wax khasaare ah kasoo gaarin bamka.

…”"”‘Way jirta arrinta xalay ayana la igu soo weeraray gurigeeyga, bambaanooyin ayaa la igu soo tuuray,mana jirto cid ay wax kasoo gaaren,balse waxaa jirta in qeyb ka mid ah guriga ay waxyeelo kasoo gaaren oo ay bur burisey..”"”ayuu yiri taliyuhu.

Aqalka uu daganyahay taliyaha ayaa waxaa uu ku yaala xaafadda Farjanno,goob jogayaal ka ag dhawa guriga taliyaha waxay sheegen inay bambada ka dib maqleen rasaas ay ridayeen ciidamada illaalada uu ah tilaya,balse lama caddeyen cida ay wax yeelo kasoo gartay rasaasta.

Maxamed Cabdi Buulle taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo waxaa uu sheegay in weerarkan ay ka danbeyn al-shabaab,balse ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay al-shabaab.

Weerarkan waxaa uu noqonaya kii ugu horeeyey ee lugu qaado taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Maxamed Cabdi Buulle,in kasto ciidamada amniga maamulka Jubba ay sheegen inay ka hortagayaan khatar kasta oo ku soo wajahan iyo wixii amniga wax u dhimi kara.
_____
RBC Radio,Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles