Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG:Ciidamada gaarka ah Soomaaliya ee Gaashaan oo loo qaaday Nairobi si ay uga qayb qaataan hawlgalka ka socda Westgate

$
0
0

alpha guMuqdisho(RBC Radio) Warar aynu heleyno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano Alpha Group ay u ambabexeen magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya si ay uga qayb qaataan dagaalka Maalintii Saddexaad ka socda Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi.

Wararka ayaa tilmaamaya in 30 askari oo katirsan ciidanka Gaashaan ee loo yaqaan Alpha Group ee dowladda Soomaaliya ay maanta barqadii diyaarad  Milateri ka qaaday garonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde si ay qayb uga noqdaan hawlgalka la doonayo in Al-shabaab looga saaro Suuqa Westgate.

Dowladda Kenya ayaa la tilmaamay iney codsatay in ciidamada Gaashaan ee dowladda Soomaaliya loo diro dalkeeda maadaama ay khibrad u leeyihiin la dagaalanka Al-shabaab,waxaana la qorsheynayaa iney galabta 4ta Saac ay gudaha u galaan dhismaha Westgate.

Ciidamada Gaashaan ee dowladda Soomaaliya oo ah ciidamo gaara oo ka qayb qaatay hawlgalkii dadka badan looga badbaadiyey weerarkii Al-shabaab ay ku qabsadeen xarumaha maxkamadaha dalka iyo weerarkii kale ee lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ayaan la ogeyn waxa ay kusoo kordhin karaan hawlgalka lagu doonayo in looga adkaado kooxda qabsatay Westgate Mall oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamo ka kala socda dalalka Kenya,Uk Maraykanka iyo Israa’iil.

Dowladaha Somaaliya iyo Kenya ayaan ilaa hadda ka hadlin ciidamada ka socda Soomaaliya ee la tilmaamayo in loo qaaday magaalada Nairobi si ay ula dagaalamaan Al-shabaabka qabsaday Westgate Mall.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles