Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maraykanka:Madaxweyne Xasan SH oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio

$
0
0

xasan sheekhOhio(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH Maxamuud iyo waftiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo maalmahan danbe safar ku maraya gobolada dalka Maraykanka ayaa la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalkaasi Maraykanka.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo hadal dheer u jeediyey Jaaliyadda gobolka Ohio iyo gobolada kale ee  la deriska ah ayaa uga xog waramaya xaaladaha dalka,shirkii lagu soo gabagabyeeyey magaalada Brussles ee dalka Bilguimka iyo sida loogu baahan yahay isku xirnaanta dadka Soomaaliyeed.

Xasan SH ayaa hoosta ka xariiqay in shirkii ka dhacay magaalada Brussles uu kusoo dhammaaday guul,wuxuuna ballan qaaday in lacagaha Malaayiinta Doolar ee lagu yaboohay loo maamuli doono si caddaalad ah isla markaane wax looga qaban doono adeegyada bulshada ee kala duwan.

Madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed ayaa tibaaxay iney lama huraan tahay in dadka Soomaaliyeed ay  muujiyaan midnimo iyo isku duubni,wuxuuna xusay in hadii ay dadku midaysan yihiin iney wax badan qaban karaan,madaxweynaha ayaa jaaliyadda uu la kulmay kula dardaarmay iney ka shaqeeyaan nabadeynta dalka dowladdane ay taageeraan si dalka dhibaatada uu ku jiro looga saaro.

Mar uu ka hadlayey dadaalka ay ku jirto dowladda uu hogaaminayo ayaa waxa uu sheegay madaxweyne Xasan SH Maxamuud iney ka go’an tahay hirgalinta hannaanka caddaalada dalka oo uu sheegay in hadii aan la helin aysan suurtagal ahayn in dowladnimo la gaaro.

Madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa hore ula soo kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles