Muqdisho(RBC Radio) Al-shabaab ayaa ku goodiyey iney dilayaan la haystayaasha ay ku haystaan dhismaha xarunta westgate hadii aan laga dulqaadin ciidamada faraha badan ee ku gadaaman xaruntaas,afhayeenka guud ee Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay iney dilayaan dadka ay gacanta ku hayaan hadii aan culeyska laga dul qaadin kooxda gudaha ugu jirtay xarunta Westgate.
Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegtay in markii ay wiiqeen awoodda ciidanka Kenya ay usoo gurmadeen wadamo shisheeye oo ay horkacayso yuhuudda,wuxuuna tilmaamay in xiriir ay la sameeyeen raggooda ka dagaalamaya Westgate inuu kusii badanayo cadaadista ay ku hayaan ciidamada doonaya iney goobta ka saaraan.
Wuxuuna sheegay iney ku amreen in hadii ay ciidamadu kusii wadaan culeyska ay ku hayaan iney u fasaxan yihiin iney qudha ka jaraan dadka ay gacanta ku hayaan oo u badan Caddaan kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.
“Kenya waxaan u sheegayaa ineysan nabad heli doonin inta ay ciidankoodu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya,hadaad hadaad nabadgalyo rabtaan ka baxa Soomaaliya,intaan nabad la’nahay idine nabad ma heli doontaan dagaalkune wuu socon doonaa”ayuu yiri Cali Dheere.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in ragga ka tirsan ee guda ugu jira xarunta Westgate ay la samaynayaan xiriir joogto ah,wuxuuna dalbaday in loo duceeyo sida uu hadalka u yiri,wuxuuna markale ugu baaqay dowladda Kenya iney ka fekerto mustaqbalka amniga dalkeeda ayna ciidankeeda dalka Soomaaliya kala baxdo.
RBC Radio