Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirkii hore difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo sheegay inaan Soomaalida loo dhibaatayn doonin weerarka lagu qaaday Westgate Mall

$
0
0

 

yuusuf xaajiNairobi(RBC Radio) Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda Kenya Yuusuf Xaaji ayaa ka hadlay dagaalka ka socda gudaha Suuqa Ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi oo ay wali gacanta ku hayaan kooxo si weyn u hubaysan oo ka tirsan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in weerarkani uusan ahayn mid wax weyn u dhimaya geedi socodka Kenya iyo hammiga ay u hayso dagaalka ay kula jirto argagixisada Al-shabaab sida uu sheegay,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney ku aamin qabaan in ciidanka Kenya ay si nabadgalyo leh u badbaadin doonaan shacabka u afduuban kooxda Suuqa qabsatay.

Mr Xaaji ayaa tilmaamay in dowladda iyo ciidamada amniga Kenya aan lagu eedeyn karin iney ku guul daraysteen ka saaridda goobta kooxda qabsatay iyo iney baajin waayeen weerarkan,wuxuuna tibaaxay in taxadar badan loo baahan yahay si nolosha dadka xarunta ku jira loo badbaadiyo.

Wuxuuna ku afgobaadsaday ineysan wax lala yaabo ahayn in goob muhim ah oo ku taal caasimadda Nairobi ay wax ka badan 2 maalmood gacanta ugu jirto kooxo hubaysan oo argagixiso ah,isagoona ku dooday in dhibaatooyinka nuucan ah ay ka dhacaan meelo badan oo caalamka ah wuxuuna tusaale usoo qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Wasiirkii hore ee Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji ayaa dhanka kale ka hadlay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in dadka Soomaaliyeed ay bartilmaameed noqon doonaan kadib markii Al-shabaab ay sheegteen masuuliyadda weerarka,wuxuuna daboolka ka qaaday inaan wax dhibaato ah loo geysan doonin shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi,isagoona ka mahad celiyey sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen sida ay Kenya u garab taagan yihiin.

Waxaana la weydiiyey hadii weerarkani uu wax ka bedelayo aratidii Kenya ee Soomaaliya oo ay suurto gal tahay iney ciidabkeeda dib ugala baxdo Soomaaliya ayuu sheegay ineysan arintaasi tahay wax aan dhici karin,Yuusuf Xaaji ayaa caddeeyey in Kenya aysan ciidabkeeda Soomaaliya kala bexeen ilaa ay xaqiijiyaan ujeedooyinkii ay markii hore usoo galeen.

 

 

 

RBC Radio

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles