Muqdisho (RBC) Rag hubeysan oo goor maqribkii ah waxay degmada Wadajir ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dawlada federaalka Soomaaliya.
Allah ha u naxariistee Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan Maxamed ayaa lagu toogtay agagaarka xarunta Villa Baydhabo xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo u dhow suuqa Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu ka soo laabtay jaamacadda Muqdisho oo uu ka diyaarinayey maadada Culuumta Dhaqaalaha isagoo ku jiray sanadkii ugu dambeeyay ee shaahada koowaad ee jaamacadda.
Rag hubeysan oo watay baabuur nooca land cruiserka ah ayaa la sheegay inay baabuurkooda ku horgooyeen baabuurka uu watay xildhibaanka ka dibna ay rasaas ku fureen xildhibaanka. Dhaawaca xildhibaanka ayaa loola cararay isbitaalka Madiina halkaasoo la sheegay inuu geeriyooday isla markiiba.
Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka ayaa sheegay in xildhibaanka uu ahaa nin aan qadanin wax ilaalo ah, kuna jiray waxbarashada heerka jaamacadeed.
Caadil Sheegow ayaa sheegay inay u badan tahay in xildhibaanka loo dilay shaqada xildhibaanimada ee uu hayey, oo aysan jirin waxdhibaato ah oo uu ka shakisnaa.
Aaska marxuumka ayaa lagu wadaa in berito uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Weli ma jirto cid ka hadashay dilkan, walow ciidamo boolis ah ay gaaeeen goobta uu dilku ka dhacay.
RBC Radio