Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Isku dhac qasaaro gaystay oo dhex maray laba Maleeshiyad oo ka dhacay koonfurta Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo[RBC Radio]Ciidamada amaanka Galmudug ayaa wada baaritano ku aadan kooxo dablay ah oo habeenki xalay  iska hor’imaad uu ku dhexmaray koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo uu maamulka Galmudug ka arimiyo.

Abare 10-habeenimo ayaa waxaa rasaas xoogan laga maqlay xaafadda koonfured ee magaaladda Gaalkacyo halkaasi oo iska hor’imaad muddo socday uu ku dhexmaray maleeshiyo hubeeysan iyadona rasaastaasi ay sabbabtay dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor’imaad ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kala shaki soo kala dhex galay iyaga dhexdooda waa meleeshiyaadkee taas oo keentay in rasaas ay  ooda la isaga qaado.

Iska dhacaan ayaa la sheegay inay ku geeriyooden labo qof halka ay ku dhaawacmeen Afar kale iyadoo qaybo kamida magaaladda Gaalkacyo laga maqlayey hubka ay isku adeeg sanayaan labada maleeshiyad ee ku diriray koonfurta Gaalkacyo, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yimiid maleeshiyaadkii dagaalamay.

Ciidamada amaanka Galmudug  ayaa sheegay inay ku raad joogan maleeshidkasi islamarkana ay  rajo  ka qaban inay gacanta kusoo dhigaan.

Marar badan ayaa koonfurta Gaalkacyo laga maqlaa rasaas ay is weydarsanayaan kooxo maleeshid ah kuwasi oo inta badan uu isku dhac dhexmaro.

Galmudug ayaa sheegtay inay ka hortagayso wax kasta oo qatar ukeeni karaa amniga deegaanada ay ka arimiyaan ayna marwalba ka hortagi doonan wax yaalaha lidiga ku ah amniga deegaanadooda.

Manajiraan illahada ciid loo soo qabtay isku dhaca dhex maray labo maleeshid,inkasto an si cadd loo caddeen sabbabaha kadan baysay in uu isku dhac dhex maro walow lasheegay inuu dhexdooda kala shaki sabbabay inay hubka nocyadisa darandooriga u dhaca ay isku adegsadaan iyadona lamaqlayey rasaas ay labada dhinacba isku adeegsanayaan.

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles