Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha dhece ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga ah kadib markii ay shalay gaareen wafti sare oo ka socda qaramada midoobe magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ee dalka Soomaaliya kuwaas oo kulamo la qaatay maamulka iyo bulshada magaalada Jowhar maamulka gobolkaas ayaa codsiyo u gudbiyey masuuliyiintii ka socday UN-ka ee gaaray magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka waramaya waxyaabihii ay ka codsadeen hay’adaha qaramada midoobe iney ka taageeraan maamulka gobolkaas wuxuuna sheegay iney ka dalbadeen masuuliyiinta qaramada midoobe in laga gacan siiyo dhinacyada Caafimaadka iyo wacyi galinta bulshada in sare loo qaado si ay iyadu iskugu tiirsanaato ugana gudubto qabyaalada oo ah waxa ragaadiyey dalka Soomaaliya..
Gudoomiye Cabdi Jiinow ayaa sheegay in intii masuuliyiinta qaramada Midoobe ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar ay indhahooda kusoo arkeen baaxada dhibaatada aadaninimo ee ka jirtay guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada xarunta ee Jowhar,wuxuuna tilmaamay in markii ay booqdeen Cisbtiaalka guud ee magaalada ay arkeen dhibaatada aan lasoo koobi karin ee ka muuqata Cisbitaalka oo aysan yaalin waxdawooyinka ah iyo tasiilaadka kale oo lagama maarmaanka u ah bixinta adeegyada caafimaad ee ay bulshadu u baahan yihiin.
Gobolka Shabeelaha dhexe oo qeybo kamid ah ay wali ka arimiyaan dagaalamayaasha ururka alshabaab ayaa waxaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin fara badan oo haysta shacabka ku dhaqan goboilkaas oo sanadihii danbe ay maamulayeen alshabaab ka hor intaan dhawaan dagaal looga saarin magaalada Jowhar iyo deegaano kale oo dhowr ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho