Nairobi[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo maantay la hadlay warbahainta guddaha ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan dalka Denmark ay gaari doonan wafti uu qeyb kayahay,waxana sidoo kale uu guddomiyuhu sheegay inay safarkaasi ku wahelin doonan wasiirka haweenka Puntland,wasiirka waxbarashada iyo xubno ka socda rugta ganacsiga Puntland.
Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) guddoomiyaha gobolka Mudug waxaa uu sheegay in waftiga dowladda Puntland ee Soomaaliyed ay dalkaasi Denmark kulamo kula qaadan doona dawladdaasi , iyagoo booqan doona qaar ka mida xarumaha dawladda gaar ahaan xarunta baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaday guddoomiye Tigay in wafdigooda ay casuumaad ka helay masuuliyiinta xukuumadda Copenhagen,sidoo kale la kulmi doona jaaliyadda reer Puntland ee ku nool qaar ka mida magaalooyinka dalkaasi, ayna kala hadli doonaan sidii la isugu xiri lahaa qurba-joogta iyo gudaha, waxaana jaaliyadda warbixinno ku aaddan xaaladda dalka u gudbin doona wafdigaasi.
Gudoomiyaha waxaa uu tilmaamay inay wadaan qorshayaal baaxad leh oo lagu hormarinayo gobolka kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismaha jidka wadaagsin, ayna jaaliyadda kala xaajoonayaan hormarinta deegaanka.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac oo wafdigaas ka mid ah muddooyinkii danbana ku sugnaa dalka Kenya ayaa waxa auu caddeyey inay isku diyaarinayaan safarkaasi.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa carabka ku dhuftay in uu la kulmay jaaliyadda gobolka ee dalal ku yaal qaaradda Afrika.
Tigey, ayaa soo dhaweeyay isbadalka lagu sameeyay taliska bilayska gobolka iyo hawlgalada ka socda gobolka ee lagu xaqiijinayo ammaanka.
Socdaalka logu wado in guddoomiyaha gobolka Mudug ku tago dalka Denmark waxaa uu noqonaya kii ugu horeeyey ee uu guddoomiyuhu ku tago dalka,tan iyo markii xilkaan u qabtay.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio