Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Jubba oo ka hadlay howlgallo dad lugu soo qabtay oo Kismaayo laga sameeyey

$
0
0
Kismaayo

Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Maamulka KMG-ah ee Jubba ayaa ka warbixiyey howlgallo ballaaran oo ciidamada amniga maamulka ay ka sameeyen magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose saldhiggna uu ah maamulka.

Saraakil u hadashay maamulka ayaa saxaafadda u sheegay in howlgallada ay ciidamadu sameeyen ay ahaayeen kuwo lugu soo qab-qabtay waxyaabaha qarxa iyo ragg al-Shabaab lala xiriirinayo,kuwaasi xiligaan baari tanao lugu xaqiijinayo ay ku socdaan.

Taliyaha ammaanka magaaladda Kismaayo Maxamed Cabdi Buule oo warbahainta la hadlaya ayaa isna dhinaciisa sheegay inay howlgalladaan yimaaden kadib markii ciidamadu ay heleen xoggo ku saabsan falal amniga wax u dhimi kara.

…”"”‘Ciidamadu howlgallo ayey sameeyen waxana howlgalladu ay yimaaden kadib markii anu helnay xoggo ku aadan shaqsiyaad isku howlaya sidii ay u qal qalgalin lahaayeen ammaanka magaaladda Kismaayo,waana ay soo qabteen ciidamadu tiro dad ah oo la la xiriirinayo falalka amniga lidiga ku ah..”"”ayuu yiri taliyaha ammaanka magaaladda Kismaayo Maxamed Cabdi Buule.

Howlgallo laga smaeeyey Kismaayo

Howlgallo laga smaeeyey Kismaayo

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha ammaanka magaaladda Kismaayo Maxamed Cabdi Buule inay qorsha ciidan ku uu yahay sidii ay u sugi lahaayen amniga magaaladda saldhigga uu ah maamulka Jubba,taasina ay tahay sida uu tilmaamay mid har iyo habeenba ay ciidamadu utagan yihiin.

Waxaa la tilmaamaya tan iyo baabur walxaha qarxa lugu weeraray hoggaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe in ciidamada ammaanka ayaa ku jiray feejignaan dheeri ah oo ku aadan xaqiijinta ammaanka Kismaayo.

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles