Gaalkacyo[RBC Radio]Hirda peace tournament ayaa dhalinyada Barkacayaasha ee Gobolka Mudug u qabatay tartamo kala duwan kuwaasi oo lagu xusayey maalinta Nabada Aduunka.
Tartmadan ayaa isagu jiray ciyaaraha kubadda Cagta iyo sidoo kale oraddada dheer ee 400- mitir taasi oo lagu weyneynayey maalinta nabada adduunka waxaan tartamadaas lagu qabtay garoonka kubada cagta ee magaaladda Gaalkacyo.
Munaasabada ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulka Sport’skaga gobolka Mudug dhalinyarad Sport’ska ee Gobolka waxaana tartankan loogu magacdaray ‘Hirda peace tournament‘.
Tartan ayaa qeyb ka ah kuwo sannad walba ay hay’ada Hirda uqabto Barkacayaasha Gobolka Mudug kuwaasi oo aan awoodin in ay bulshada calaamka kala qeyb qaatan xuska maalinta nabada adduunka Hiradana ay ugu talgashay inay dhalinyaradu doorkooda ka ciyaaran xusaska caalamko dhan maalinta laga xuso.
Furtaankii xalfadan oo ka dhacay guddaha garoonka ciyaaraha ee magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa ka hadlay C/qani Khaliif Carabey oo ah wakiilka hay’adda Hirda ee gobolka Mudug waxaana uu sheegay in mar walba ay hay’adda Hirda u taagantahay horumarka bulshooyinka Soomaaliya gaar ahaan barakacayaasha.
Sidoo kale waxaa isna mahad-celin ballaaran usoo jeediyey hay’adda Hirda gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Maxamed Afjar waxaa uusheegay in hay’adda ay ka shaqayso arimaha hormarka sport’ska ay si weyn udareemen bulshada.
Ilyaas Cabdi Nuur oo ah guddoomiayaha ciyaaraha fudud ee gobolka Mudug oo isna furtaankii xalfada ka hadlyey ayaa sheegay in maanta Hirda ay Dhalinyarada Barkacayaasha gobolka Mudug ay kugu farxisay tartmadan maalinta Nabada adduunka oo caalamkoo dhan laga xuso 21 Sep 2013 oo shalay ku begned.
Gabgabadii xalfada ayaa waxaa koobab iyo bilado la guddoonsiiyey dhalinyaradii ku guulaystay Tartamadii kala duwanaa ee socday.
_________
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo
Deegaan1994@gmail.com