Garoowe (RBC RADIO) Agaasimaha Guud ee TVga Universal Qaybta Puntland Nuux Muuse Birjeeb oo Warbaahinta Gudaha la hadlayay ayaa sheegay in TVGu uusan khalad ku lahayn Weynta Qudbadii uu Shirka Brussels ka jeediyay Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole wuxuuna Cadeeyey Nuux in Midowga Yurub ay Arintaasi shaqo ku leedahay Hawlaha Warbaahintana ay iyaga maamulayeen Universalna ay Saxaafada kale kala siman tahay in la waayo Codka Madaxweynaha Puntland.
Mr Nuux ayaa sidoo kale sheegay in Puntland aysan ahayn markii ugu horeesay oo ay Xirto Tvga Universal oo ay jirtay marar badan oo xanibaad lagu sameeyo taana ay qayb ka tahay Caburinta lagu hayo Saxaafada Madaxa abanaan si gaar ahna loo bartilmaa-Meedsado Universal oo ka shaqeeya danaha Umada kana fog wax yaabaha ay Puntland ku eedeesay.
Nuux Muuse ayaa xusay in ay jiraan Wariyeyaal leyska xiro iyo kuwo lagu xadgudbo iyadoon loo soo marin wax sharci iyo maxkamad ah taana ay qayb ka tahay Tacadiyada loo geysto warbaahinta oo qaab ahaan aan sharciga waafaqsanayn balse ay tahay wax dhaqan laga dhigtay in badannah soo noqnoqday.
Hadalka Nuux oo ah Agaasimaha guud ee Universal Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadoo Warqad kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Puntland Shaqadii looga joojiyay Dhamaan Xarumaha uu TVgu ku leeyahay Puntland kadib markii uu si ula kac ah u joojiyay baa lagu yiri Qoraalka Qudbadii Mdaxweyne Faroole uu ka jeediytay Shirkii New Deal ee Brussels Somalida loogu Qabtay.
Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.