Muqdisho(RBC Radio) Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeysay weerarka lagu qaaday Suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi war qoraal ah oo kasoo baxay 15ka xubnood ee joogtaha ah ee golaha ammaanka ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey weerarka dhiigga badani ku daatay ee lagu qaaday Westgate Mall.
Sida lagu daabacay wakaalada wararka AFP xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka oo ay ka mid yihiin Maraykanka,Ruushka,Shiinaha,Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa waxa ay cambaareeyeen weerarka lagu qaaday Suuqa ku yaal magaalada Nairobi ee Westgate Mall oo ay gudaha u galeen rag aad u hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Golaha Ammaanka ayaa ballan qaaday iney Kenya ka taageerayaan dagaalka ay kula jirto argagixisada qabsatay goobta muhimka ah ee ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,golaha ayaa caddeeyey iney sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada caalamiga ah.
Waxaa isa soo taraysa Cambaaraynta loo jeedinayo weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi oo ilaa xiligan aysan ciidamada dalka Kenya oo gacan ka helaya dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ingiriiska aysan ku guuleysan iney ka saaraan kooxda la wareegtay gacan ku haynta Suuqaas.
Wadamada Canada,Maraykanka iyo Uk ayaa iyagune cambaareeyey weerarka bahalnimada ah ee lagu qaaday suuq ay ka dukaamaysanayeen dad fara badan oo aan waxba galabsan.
RBC Radio