Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska Taraafikada oo ka cawday dhibaatooyin ay sheegeen iney caqabad ku yihiin gudashada hawsha ay bulshada u hayaan

$
0
0

 

cali gaabkaMuqdisho(RBC Radio) Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka Soomaaliyeed ee Taraafikada oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa cabasho ka muujiyey arimo ay sheegeen iney caqabad ku yihiin gudasha hawsha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay iney dhibaato kala kulmaan gaadiidka ay wataan ciidamada iyo masuuliyiinta  dowladda Soomaaliya oo uu sheegay ineysan lahayn Taariko isla markaane ay iska dhega tiraan iney u hogaansamaan awaamiirta ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

Gen. Cali Gaab ayaa digniin u diray gaadiika aan qaadan amarada ciidamada ilaalada wadooyinka,wuxuuna sheegay iney gacan bir ah ku qaban doonaan cid walba oo isku dayda iney baalmarto awaamiirtooda,wuxuuna dhanka kale digniin u diray Mulkiilayaasha Hoteelada ku yaal hareeraha wadada Makka Al-Mukarama oo uu sheegay iney xireen Marsha Biyeedkii ay dadku mari lahaayeen.

Taliyaha ayaa sidoo kale mamnuucay gaadiidka leh Muraayadaha madow ee beensalka ah wuxuuna ka dhawaajiyey iney la xisaabtami doonaan cidii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadada gaadiid leh Muraayadaha Madow.

Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa tilmaamay iney soo bateen shilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray iney dhibaatooyin kala kulmaan Cabbirka Shilalka dhaca,wuxuuna ka dalbaday dowladda iney ciidamada ilaalada wadooyinka ay u keento agabka mihimka u ah gudashada hawsha ay bulshada u hayaan.

Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaan helin agabka ay u baahan yihiin sida  baabuur ,Mootooyin iyo tababar ku filan si ay uga soo baxaan waajibka qaran ee ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles