Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon iyo wafti uu hogaaminayo oo u ambabaxay magaalada Geneva

$
0
0

 

saacidiMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo oo maanta barqadii u ambabaxay magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland  halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shir caalami ah.

Intii aysan waftiga R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ka warbixiyey halka uu ku jiheysan yahay Safarka R/wasaaruhu.

Ridwaan ayaa sheegay in R/wasaaraha iyo waftigiisu ay kusii jeedaan magaalada Geneva ee xarunta dalka oo ay kaga qaybgali doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo Bina aadaninimada iyo xuquuqda aadanaha,waxaan safarkiisa ku wehlinaya xubno muhim ah oo xukuumadiisa ka tirsan oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka  C/kariin Xuseen Guuleed ,wasiirka Garsoorka C/llaahi Abyan Nuur iyo wasiirka horumarinta adeegga bulshada Maryam Qaasim.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in marka uu soo dhammaado shirka uu R/wasaaruhu uu uga qaybgalayo magaalada Geneva uu uga sii gudbi doono dalka Turkiga oo uu wada hadallo kula soo yeelan doono madaxda dalkaas.

Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in R/wasaare Saacid uu madaxda dalka Turkiga kala hadli doono sidii Turkigu usii wado lahaa taageerada uu siinayo Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga,horumarka dib u dhiska,caafimaadka iyo waxbarashada.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles