Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax SHiirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka ka socda Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas oo ay wali ka dagaalamayaan kooxo hubaysan oo qabsaday.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa ka tacsiyeeyey weerarkaas,wuxuuna sheegay iney ka danbeeyaan argagixiso kasoo horjeedda degenaanshaha gobolka,Saacid ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin Kenya dagaalka ay kula jirto argagixisada qabsatay Suuqa Westgate..
Wasiirka Koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusii daray in weerarka ka socda Suuqa laga dukaamaysto ee magaalada Nairobi uu daliil u yahay in argagixisadu aysan caqab ku ahayn amniga Soomaaliya oo kaliya balse ay khatar ku yihiin xasiloonida guud ahaan dunida.
“Waxaan u sheegaynaaa walaalaha Kenya inaan ku garab taagannahay dagaalka ay argagixisada kula jiraan sida ay iyaguba inoo garab taagnaayeen markii aan xaaladda adag ku jirnay”ayuu yiri R/wasaare Saacid.
Hadalka R/wasaaraha ayaa imaanaya xilli madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ay sidaa si lamid ah u dhaleeceeyeen weerarka nqorsheysan ee lagu qaaday Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi oo ah goo ay inta badan ka dukaamaystaan dadka ladan ee dalkaas iyo Ajaanibta usoo dalxiis taga.
RBC Radio