Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaalida ku nool Nairobi oo ka walaacsan in loo dhibaateeyo weerarka ka socda Westgate ee Al-shabaab ay sheegteen

$
0
0

 

Nairobi(RBC Radio) Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lasoo dersay cabsi iyo wel wel la xiriira in loo dhibaateeyo weerarka abaabulan ee lagu qaaday Suuqa Westgate oo ay Al-shabaab ka dagaalama Soomaaliya sheegteen masuuliyadiisa.

Sida looga bartay booliska dalka Kenya xiliyada ay qaraxyadu ka dhacaan magaalada Nairobi waxa ay bilaabaan hawlgallo ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan magaaladaasin gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii,booliska ayaa xaafadaha ugu gala Soomaalida isla markaane dhibaatooyin kala duwan u geysta iyaga oo ku eedeeyey iney xiriir la leeyihiin waxa loogu yeero argagixisada.

Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa wadnaha farta ku haya waxayna ka war dhowrayaan tallaabada ay qaadaan booliska dalkaas kadib marka lasoo afjaro weerarka ka socda Suuqa Westgate,waxayna ka baqdin qabaan in booliska dalkaasi uu Soomaalidsa bartilmaameedsado.

Masuuliyiinta Soomaalida ee dalka Kenya ayaa hore u ballan qaaday inaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aan lagu dhibaatayn doonin gudaha Kenya arimahaasne ay kala hadleen saraakiisha amniga dalkaas ee ay qusayso.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa indhaha ku haya waxa ka socda Westgate waxayna ka war dhowrayaan waxa xigi doona iyo tallaabada ay qaadaan boolika dalka Kenya.

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles