Nairobi[RBC Radio]R/wasaarihii dowladdii KMG-ahayd ee Soomaaliya Dr.Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysey waxaa uu si faah-faahsan uga hadlay rajada uu ka qabo inuu ku guulesto xilka uu xiligaan uloolamayo ee ah madaxtinimada Puntland,waxaa uu sheegay inay umuuqato ifi-faalo muujinaysa inuu meel wanagsan uga soo hari doono hamigiisa ku aadan inuu qabto hoggaanka ugu sareeya ee Puntland.
Dr.Gaas waxaa uu sidoo kale soo hadal qaday loolanka uu kala kulmo karo masuuliyinta kale ee la wadaga rajada uu ka qabo inuu ka arrimiyo madaxtooyadda dowladda Soomaaliyed ee Puntland,waxana uu tilmaamay in xiligan aysan u muuqan musharax uu kaga cabsi qabo inuu kaga awood bato tar tanka loogu jiro hoggaanka Puntland.
…”"”Ruunti haddii an ka hadlo rajadeyda waa mid ad u sareysey,waxana i dhiiri galinaysa kalsoonida an ka filayo shacabka Puntland,waxaan ku kalsoonahay xirfadeyda,iima muuqato cid an uga cabsi qabo inan kala kulmo loolan adag,waayo waxan in badan kusoo jiray siyaasada Soomaalida waxan wax ka ogahay waxbadan oo xiligaan lugu horumarin karo dadka iyo deegaanka Puntland,taasina waxay qeyb ka tahay rajadeyda…”"”"ayuu yiri Gaas.
Sidoo kale musharax Cabduwali waxaa uu hadal kiisa ku caddeyey inay jirto dhibaatoyin badan oo xiligan ka jira guddaha deegaanada Puntland,isagoona sheegey inay u muuqato qofka kaliya ee saxikara inuu isagu yahay.
….”"”"Waxaa ii muqata is maandhaf badan iyo dibu dhac dhanka ammaanka ah oo ka jirta guddaha deegaanada Puntland,waxay ila muuqata inan ahay qofka arrimahaasi wax ka badali kara,waxana qorsheenaya inan isbadal dhalin karo haddii ay isura shago,waxana doonayo in arrimo badan wax laga badalo,waayo waxaa jirta isku dhex yaac badan oo ka jirta siyaasada dadbadan waxay ku muran sanyihiin siyaasada iyo hoggaanka Puntland,waxan raba inan arrinta wax ka badalo oo cid kastanna la weydiyo waxa ay tabanayso…”"”‘ayuu ku soo qaday hadalkiisa Gaas.
Cabaduwlai Cali Gaas waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qaday in xiriir wanagsan oo arrimaha dibadda ah uu la leyahay dalal dhoor ah kuwaaso uu sheegay inay awood u leeyihiin horumarinta Puntland,waxana uu inta ku daray inaysan jirin sida ula muuqata cid xiligan musharax la ah oo xiligan xiriir inta le’eg ku dhex leh beesha caalamka.
…”"”Waxaa xusid mudan inan xiriir wanagsan oo dhanka arrimaha siyaasada dibadda ah leeyahay,taas waxay sura galinaysa in wax badan ay ka caawiso dadka Puntland horumarka baahiyaha jira,mana jirto cid xiligan xiriir inta le’eh la leh beesha caalamka..”"”ayuu sheegay musharax Gaas.
Sidoo kale mar wax laga weydiyey waxaa uu u qabtay shacabka iyo xukuumada Puntland inta uu ka mid ahaa hoggaankii dowladda KMG-ahayd,ayuu sheegay Gaas in Puntland uu ka dhigay hooyadii dowladda faderaalka xiligan jirta iyo hanaanka dimuquraadiyada dalka lala doonoyo,taaso qeyb ka ah dadaalkii Puntland ay ka heshay xiligii uu ka tirsana madaxda Puntland,waxana uu inta ku daray inuu intii uu xilka hayey uu mashaaricbadan u saxiixay Puntland si looga hirgaliyo.
Bilowga sannadka 2014-ee fooda inugu soo haya ayaa luguwada in Puntland ay ka qabsoonto doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku baratamayan musharixiin dhoor ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha xiligaan hoggaanka haya ee Dr.Faroole.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio