Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Federaalka Ku Eedeeyey Iney Faragelin Ku Sameysay Khudbadii uu ka Jeediyey Shirkii Brussels

$
0
0
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole

Boosaaso[RBC Radio] Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka iney faragelin ku sameysay Khudbadii uu ka Jeediyey Shirkii Brussels 

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo wareysi siinayey Idaacada BBC-da laanta Af-Soomaaliga ayaa sheegay in rag kamid ahaa Wafdiga Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay faragelin ku sameeyeen qaa r kamid khudbadihii shirka tiisuna ay ku jirtay.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweyne Cabdirixmaan in Dowladda Federaalku ay Is hortaag ku sameysay Puntland oo qudheedu si gaar ah loogu casumay Shirka Brussels ee dalka Biljimka lagu qabtay.

…”” Shirka waa la tebinaayey oo MEDIA-da Caalamka oo dhan baa loo tebinayey oo MEDIA-yada Soomaaliya kasii qaadaneysay iney faragelin ku sameeyeen Shirkii dhexdiisii rag kamid ah oo ragii watay Madaxweynuhu oo laga gooyey aniga iyo Dowladda Imaaraatka Iyo Faransiiska oo na eersaday…””ayuu yiri

Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa sheegay in khudbadiisa oo qura aan lagu sameyn faragelin balse khudbadii uu Shirka ka jeediyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele meesha laga saaray.

Khudabadii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iney ahayd mid muhiim ah isla markaana uu kaga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah dhismaha dalka Soomaaliya balse nasiib daro la jaray.

Sidoo kale tallaabooyinka ay ku dhaqmeyso Dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku tilmaamay Faroole mid marba marka ka danbeysa si kala fogeyneysa Soomaalida.

Dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa tilmaamay ineysan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya uga marti noqon doonin wax u qabashada Shacabka iyo weliba dib u dhiska cidii aan dooneyna lama shaqeyn karno,waa sida uu sheegay.

Dowladda Maraykanka.

Madaxweyne Faroole ayaa si weyn usoo dhaweeyey hadalkii kasoo yeeray Wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka,kaas oo ahaa in Dowladda dhexe ay wadahadal iyo heshiisba la furto Maamulada sida Puntland iyo Somaliland

Si kastaba hadalka Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa ku beegamaya xili Puntland ay gebi ahaan Joojisay shaqadii uu deegaanada Puntland ka hayey TV-ga Universal,waxay ku eedeysay in uu jaray Khudbadii Faroole uu ka jeediyey Shirkii Brussels .

 

______________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles