Washington{RBC Radio} Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u socdaalay dalka Maraykanka ,waxaana lagu wadaa in uu kulamo xasaasi ah la qaato masuuliyiin ugu saraysa dalkaasi waxyna kala hadli doonaa arimo badan oo khuseeya dalka Soomaaliya.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisow ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo ku yeelan doono dalka Maraykanka madaxta ugu sarysa dalkaas, waxaana uu tilmaamay Ing Yiriisow in maalinta Bari ah uu madaxweynuhu khudbad ka jeedin doono xarun lagu daraasadaha dhibaatooyinka ka jira caalamka oo ku taalo wadanka Maraykanka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caasimada dalka Maraykanka ee Washington kula kulmi doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, waxaana uu kala hadli doonaa sidii ay u taageeri lahaayeen dowlada Soomaaliya ayna kaga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Ing Yiriisow ayaa tilmaamay in maalinta Bari ah uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya booqan doono gobolka Ohio waxaana uu halkaas kuli kulmi doonaa Xildhibaanada laga soo doortay gobolkaas ee Soomaalida ah iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan gobolkaas.
Ing Yiriisow ayaa intaa ku daray in 22ka Bishan uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud tegi doono magaalada New york ee xarunta Qaramada Midoobe waxaana uu ka qayb geli doonaa shirka sanad laha ah ee Qaramada Midoobe.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka qayb geli doona Casho sharaf uu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama u saynayo madaxda kasoo qayb geli doonta shirka qarmada Midoobe ee loo madalsan yahay in uu furmo 22ka Bishaan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho