Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo Cambaareeyey Xanibaada Shaqo ee Lagu Sameeyey TV-ga UNIVERSAL!!!

$
0
0
Xoghayaha  Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir

Xoghayaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir

Boosaaso[RBC Radio] Ururka Suxufiyiinta Puntland oo magacooda loo soo gaabiyo MAP ayaa si adag uga horyimid Xanibaada shaqo ee lagu sameeyey TV-ga Universal ee deegaanada Puntland isla markaana tilmaamay in loo baahnaa in baaritaan la sameeyo shaqo Joojinta ka hor.

Xanibaada shaqo ee ay Puntland ku sameysay TV-ga Universal oo ka hawlgalaayey deegaanada Puntland ayey ku sheegtay Wasaaradda Warfaafintu tebin la’aanta Khudbadii uu Shirkii Brussels ka jeediyey Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.

Xoghayaha  Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir oo la hadlaayey Idaacadaha gudaha ayaa sheegay iney si aad ah uga Xunyihiin shaqo Joojinta lagu sameeyey UNIVERSAL TV.

Burhaan Axmed Daahir  ayaa sheegay in Shaqo Joojinta lagu sameeyey TV-ga ay tahay mid lagu degdegay loona baahnaa in la sameeyo baaritaan qoto dheer.

Wuxuu ku tilmaamay Mudane Burhaan in TV-gu yahay mid dhanka Muuqaalka ah isla markaana u adeegga Bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

MAP Iyo Warfaafinta.

 

Aggaasimaha UNIVERSAL TV ee Puntland Nuux Muuse Birjeeb

Aggaasimaha UNIVERSAL TV ee Puntland Nuux Muuse Birjeeb

Xoghayaha  Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland uu kala hadlay arrinta TV-ga isla markaana uu Madaxda Wasaaradda kala taliyey iney sameeyaan baaritaan.

Dhanka Urur ahaan ayuu sheegay iney sameeyeen baaritaan dhinac kastaba ah isla markaana Ururka MAP ku Ogaaday in Universal TV uusan si ula kac ah uga tegin Khudbadii Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.

Cidada ayuu ku sheegay Burhaan in ay tahay mid goobta Shirka ah isla markaana aan Xiriir la sameynay Xubno kamid ah Wafdiga kuwaas oo noo sheegay in UNIVERSAL khaladka lahayn balse cildadu Midowga Yurub ahayd.

Xoghayahay Ururka MAP ayaa tilmaamay in Universal TV uu ku Xusuurto Barnaamijyo dhanka Horumarka ah oo ay ka sameeyeen deegaanada Puntland.

Nuh Mussa Birjeb

Aggaasimaha UNIVERSAL TV ee Puntland Nuux Muuse Birjeeb oo ay Raxanreeb Online Xiriir la sameysay ayaa Iska fogeeyey dhaliisha loo Jeedinayo TV-ga ee uga timid dhanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa Waraysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh ay faragelin ku sameysay Khudbadii uu Jeediyey balse ma Carabaabin Faroole in Universal ay arrintaas ka danbeysay,waxaana Muuqaneysa ineysan kala warba hayn Wasaaradda Warfaafinta iyo Faroole.

__________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles