Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Maryakanka

$
0
0

10

Roma[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey afhayeenka madaxweynaha soomaaliya Inj C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisow waxaa maantay ka ambabaxay magaaladda Roma ee caasimada dalka Talyaaniga madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,kadib socdaal laba maalin ah oo uu ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u dhoofay dalka Maryakanka halkaaso la sheegay inu kulamo kala gadisan kula leeyahay madaxda dalka iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan gobollo ka mid ah dalkaasi Maraykanka.

Inj C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisow oo ah afhayeenka madaxweynaha soomaaliya ayaa socdaalka madaxweyanaha ee dalka Maraykanka waxaa uu ku sifeeyey inuu ka danbeeyey ka dib markii uu casuumad ka helay masuuliyinta dalkaas,waxana uu inta ku daray in madaxweynuhu uu shirar caalami ah ku qaadan doono dalkaasi inta uu ku sugan yahay.

Yariisow waxaa uu xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh la qorsheynayo in maalinta barti ah khudbad dheer ka jeedin doono xarun laga sameeyo daraasadaha caalamka oo ku taala dalka Maraykanka.

Sidoo kale waxaa uu qorshaha u yahay in magaaladda Washington ee caasimada dalka Maraykanka madaxweynaha Soomaaliya uu kulan kula qaadan doono jaaliyadda soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Xassan Sheekh madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu magaalada Ohio ee dalka maraykanka kula kulmi doono xildhibaanada la soo doorto gobolkaasi iyo jaaliyada soomaaliyeed eek u nool gobolkaasi.

C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisow afhayeenka madaxweynaha soomaaliya waxaa uu caddeyey in madaxaweynaha soomaaliya uu 22 iyo 23 bishan magaaladda New York ka qeyb gali doono shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo sannadkiiba mar la qabto,isagona shirka ka hor casho uu madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama u sameeynayo madaxweynayaasha ka qeyb galaya shirka golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobay.

_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles