Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG: Guddoomiyihii Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya oo Xilka Laga Qaaday, Sheegeyna Inuu Iska Wareejinayo Masuuliyadda

$
0
0

Abdisalam_Omar_HadliyeMuqdisho (RBC) Guddoomiyihii bangiga dhexe ee dawlada federaalka Soomaaliya Dr C/salaam Cumar Hadliye ayaa xilka laga qaaday kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wargeliyey in isbedel lagu sameynayo maamulka bangiga dhexe.

Dr C/salaan Cumar Hadliye oo todobaad bilood ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inuu xilka wareejinayo uuna isagu ku qanacsan yahay taasi maadaama xilka laga qaaday.

Dr C/salaan oo wareysi siiyey wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in toddobaadkii hore ay soo gaartay warqad ka timid xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taasoo isaga ku wargelineysay inuu ka fariisto shaqada maadaama isbedel lagu sameynayo maamulka bangiga.

Dr C/salaan oo hadda ku sugan magaalada Nairobi, markii horena ka yimid dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyey inuu toddobaadka soo socda tagayo magaalada Muqdishi si uu xilka u wareejiyo.

Mar la weydiiyey Dr C/salaan Hadliye sababta uu u maleynayo in xilkii uu hayey todobada bilood looga qaaday, ayuu sheegay inuusan garaneyn balse uu isagu ku qanacsan yahay xilka inuu wareejiyo.

Wuxuu si kulul u beeniyey eedeymihii dhowaan ku jiray warbixin ay soo saartay kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea oo sheegay in baanka dhexe ee Soomaaliya lacagaha soo gala ay ku dhacaan jeebabka shakhsiyaad gaar ah ee aan loo adeegsanin maamulka dawlada.

Dr C/salaan wuxuu sheegay in baanka dhexe ee ku shaqeynayey nidaam maaliyadeed oo sax ah, wax eedna aysan jiri karin.

Dawlada Soomaaliya weli kama hadlin xil ka qaadistan, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dhowaan madaxweynaha dawlada federaalka uu magacaabi doono maamulka cusub ee bangiga si loo qanciyo beesha caalamka ee dhowaan eedeysay dawlada iyo hay’adeheeda maaliyadda.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles