Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Qaran Medical Center ee Magaalada Garoowe ku taala waxaa Maanta soo gaaray Dhaqaatiir heer caalami ah oo ka socda Magaalada Sanca ee wadanka Yemen iyagoo Qaliimo kala gadisan ka fulin doona magaalada Garoowe waxaana diyaar u ah Qaliinkaasi dad boqolaal kor u dhaafaya kuwaasi oo isaga kala yimi Gobolada Dalka si ay uga Faa’iideystaan Qidmada yar ee laga qaadayo iyo Caafimaadka balaaran ee loo fidinayo hawshana si toos ah ayeey maanta u bilaabatay waxayna socon doonaan 7maalin.
Sheekh Yuusuf Cabdi-Casiis Maxamed oo ka mid ah dadka Hawsha wada kana tirsan Hay’ada Manhal ayaa Raxan-Reeb u sheegay in Dhaqaatiirtan ay dalka u yimaadeen u Faa’iideynta Dadka ayna qaban doonaan Qaliinadda guud iyo kuwa gaarka ah ee Sanka Dhagaha iyo cunaha wuxuu kaloo sheegay in Qaliimo wadanka gabaabsi ku ah ay dhaqaatiirtan qaban doonaan.
Dr Alfadli Ali iyo Dr Amiin ayaa hogaaminaya Dhaqaatiirtan waxaana wehliya kaaliyeyaal waxaana Abaabulka Barnaamijkan kaalin ka qaatay Maamulaha Shirkada Qaran Medical Center Faysal Qaran iyo Hawlwadeenada shirkada mana ahan markii ugu horeesay oo dhaqaatiirtan Dalka yimaadaan umadana aqoontooda ku kaalmeeyaan,inta ay hada joogaanah waxay sameyndoonaan Qaliimo tira badan iyagoo habeen iyo Maalinba shaqayn doona mudada 7beri oo ay Garoowe Joogaan sida ay Maamulka u sheegeen Raxan-Reeb.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.