Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jen.Indha-Cadde oo ka Warbixiyey Shaqaaqo shalay ku Qabsatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Jen.Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacade ayaa ka warbixiyey shaqaaqo shalay ku qabsatay ilinka laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport Indhacadde oo la weydiiyey wararka tilmaamaya iney xabsiga dhigeen ciidamada Amisom ayuu sheegay in warkaasi uusan ahayn mid sax ah,wuxuuna shaaca ka qaaday in ciidamada Amisom aysan awood u lahayn iney xiraan sida uu sheegay.

Jen. Indha-cadde ayaa sheegay inuu ka mid  yahay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dalkane uu leeyahay dowlad aan kumeelgaar ahayn wuxuuna tibaaxay ni cidii qalad gashay ay xaq u leedanahay iney la xisaabtanto dowlada Soomaaliya balse aysan ciidanka Amisom dalka dowlada u ahayn,isagoona tilmaamay inuu aaminsan yahay in ciidanka Amisom aysan jeelka dhigi karin wax ka yar hal daqiiqo.

Yuusuf Indha-cadde oo ka waramayey sida ay wax u dheceen ayaa sheegay in xili uu isku dayey inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isaga iyo ciidan uu watay ay wada hadleen saraakiisha ilaalada garoonka kadib isgarsho ayuu sheegay inuu usii gudbay gudaha garoonka wuxuna tilmaamay in  askari joogay Koontaroolka ugu danbeeya ee laga waardiyeeyo garoonka uu iska hortaagay inuu gudaha usii talaabo isla markaane uu qari ku qabtay sida uu sheegay.

Wuxuuna sheegay in markii ay arintaasi dhacday  ay ismaandhaafeeb ciidamada Amisom wuxuuna meesha ka saaray in xabsiga la dhigay,warar hoose ayaa tilmaamaya in Indha-Cadde markii Askariga Amisom uu ka horjoogsaday inuu gudaha u galo garoonka uu gacanta ula tagay taasine ay keentay in ciidamada Amisom ay muddo kooban kaxaysteen daqiiqado kadibne dib loo sii daayey.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles