Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mareykanka oo Mawaadiniin kasoo Jeeda Dalkaas oo Alshabaab ka Barbar Dagaalama Madaxyadooda Dul-dhigay Maaliyiin Doolar

$
0
0

 

Washington(RBC Radio) Dowlada dalka Mareykanak ayaa lacago maaliyiin doolar ah dul dhigtay madaxyada mawaadiin u dhashay wadankaas oo ka barbar dagaalama ururka alshabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya war ay soo saartay wasaarada arimaha dibada wadanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in lasiin doono 5 Milayn oo Doolar  cidii soo sheegtay 2 mawaadin oo Mareykan ah kuwaas oo si weyn uu Mareykanku u baadi goobayo.

Raggan uu doondoonayo Mareykanku ayaa kala ah Cumar Shafiiq Xamaami oo alshabaab dhexdooda loogu yeero magaca Abu-Mansuur Al-amriiki iyo Jihaad Sirwaan Mustafa oo isne ay alshabaabku u yaqaanaan Amiir Anwar,labadan nin ayaa ah mawaadiin kusoo jeeda wadanka Mareykanka waxayna ku jiraan liiska dadka ugu horeeya eeku jira Liiska Hay’ada Sirdoonka gudaha Mareykanka ee FPI-da.

Cumar Shaafiq Xamaami oo ah 28 jir kasoo jeeda gobolka Alabama ee wadanka Mareykanka ayaa soo fgaaray dalka Soomaaliya sanadkii 2006 wuxuuna ku sheegay ujeedka uu Soomaaliya u yimi inuu yahay faafinta diinta Islaamka arintaas oo ay dad badan ku jaahwareereen maadaama dadka Soomaaliyeed ay yihiin 100% Muslimdadka lidka ku ah fikirkiisa ayaa qaba in halka uu ka yimi Cumar Xamaami oo ah dalka Mareykanka looga baahnaa inuu ka faafiyo diinta hadii ay dhab ka tahay.

Dowlada wadanka Mareykanaka ayaa sheegtay in cid walba oo soo sheegtay xog ku saabsan raggaas ay heli doonto malaayiinta doolar ee  abaalmarinta  ah,war hore uga soo baxay dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu lagu dul dhigay madaxyada saraakiisha kooxda alshabaab ugu sareysa.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles