Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

TIRAKOOB: Bukaanada u Jiifa Xannuunka Shubanka Isbitaalka Beledweyne oo Kordhay Iyo Tirada Illaa Hadda u Dhimatay

$
0
0

BELEDWEYNE- Maamulaha Isbitaalka Guud ee Beledweyne. Axmed Maxamed Khaliif.

Beledweyne (RBC) Maamulka isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay in bukaano gaaraya illaa 40 ay u jiifaan cudurka Shuban Byoodka oo dhowaan ka dilaacay magaalooyin ka mid ah dalka.

Maamulka isbitaalka guud ee Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif ayaa Raxanreeb u sheegay in bukaanada qaba cudurka Shuban Biyoodka lagu hayo xarun gaar ah oo ku taalla deegaanka Ceel Jaalle oo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne si loo kontoroolo faafitaanka cudurka.

Bukaanada geeriyooday

Tan iyo markii uu cudurka ka dilaacay gobolka Hioiraan mudo hadda laga joogo hal usbuuc waxaa cudurkan uu soo ritay dad kor u dhaafaya 60 kuwaasoo laga kala keenay magaalada Beledweyne gudaheeda iyo degmooyinka ku dhow dhow ee gobolka oo aanu ka jirin wax daryeel caafimaad ah.

Tirada dadka geeriyooday illlaa hadda waa 16 ruux oo u badan carruur yar yar, waxaase ku jira dadka u geeriyooday Shubanka dad waaweyn sida hooyo waayeel ah iyo rag.

Iyadoo faafida cudurka ay tahay mida kaliya ee laga welwelsan yahay ayaa dhanka kale maamulka isbitaalka Beledweyne waxay xaqiijiyeen in dad gaaraya 20 ruux oo carruur ahaa oo markii hore xannuunka loo dhigay isbitaalka ay ka caafimaadeen dibna looguceliyey guryahooda.

Xaalada isbitaalka iyo dawada

Illaa hadda ma jirto daawooyin la gaarsiiyey isbitaalka oo bannaanka uga yimid marka laga reebo daawo tiro yar oo ciidamada reer Jabuuti ay gaarsiiyeen isbitaalka si wax looga qabto dadka uu soo ridanayo cudurka Shubanka oo aad u badnaa toddobaadkii hore. Waxayna maamulka isbitaalka sheegeen in daawadan aysan ku filnaan karin.

Dhanka kale waxaa maalintii Talaadadii isbitaalka Beledweyne gaaray dhakhaatiir Talyaani ah kuwaasoo ay kharashkooda bixineyso dawlada Talyaaniga si ay u daaweeyaan dadka bukaanka ah ee ay isbitaalka ku heysato dhakhaatiir la’aanta.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles