Copenhagen [RBC Radio]Hoggaamiyaha maamulka KMG-ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno katirsan maamulka Jubba ayaa gaaray dalka Denmark halkaaso ay kusoo daweeyen Jaaliyadda Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool.
Waftiga Axmed Madoobe ayaa ka dagay garoonka diyaaraddaha Copenhagen ee Kastrup Airport,waxana halkaa ku sugna xiligii ay ka soo dagayeen boqolal dadweyne ah oo u badnaa Jaaliyadda maamulka Jubba kuwaaso si diiran halkaa ugu so dhaweeyey madaxdooda.
Axmed Madoobe iyo waftigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Brussels halkaaso oo ay uga qeyb galeen shirkii higsiga cusub ee New Deal.
Waxana xiligii uu ka dagay Copenhagen uu la hadlay dadweynihii soo dhaweeyey isagoona uga mahad-celiyey sida wanagsan ee ay usoo dhaweeyen isaga iyo waftigiisa,waxana uu intaa ku daray inuu kulamo ballaaran la qaadan doono dhamanba Jaaliyadda oo uu uga xog warami doono xaaladda ka jirta deegaannada maamulka Jubba.
Caawa ayaa lugu wadda inuu Axmed Madoobe la kulmo Jaaliyadda Soomaalida ee Denmark,oo uu lakal hadli doonoo sida la tilmaamay waxa u hirgalay intii uu jiray maamulka Jubba oo an wali la dhamestirin,shirarkii kala gadisna ee ay ka qeyb galeen madaxda maamulka,shirarka la doonayo in lugu heshiisiyo dadka dega Jubbooyinka iyo xaaladda guud ee deegaannada Jubba.
Si kasta socdaalka uu Axmed Madoobe ku tagay dalka Denmark waxaa uu ka dhigaya kii ugu horeeyey ee u ku tago tan iyo markii loo magacaabey hoggaanka sare ee maamulka Jubba.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio