Nairobo(RBC Radio) Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa 25kii Musharrax ee isu soo taagay qabashada xilka madaxweynanimo ee Soomaaliya sanadkii hore ayaa ku dhaliilay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan SH Maxamuud inuu ka gaabiyey fulinta ballan qaadkiisii.
Xaaji Maxamed Yaasiin oo xiligan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan waxyaabaha u qabsoomay mudada sanadka ah ee uu xilka hayey madaxweyne Xasan SH Maxamuud wuxuuna tilmaamay in madaxweynuha markii la doortay uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono 6 qodob oo uu ugu horeeyey amniga.
Amniga ayuu sheegay ineysan dowladdu waxba ka qaban,wuxuuna ku dhaliilay dowladda madaxweyne Xasan SH sida ay u waajahday la dagaalanka Al-shabaan”Dagaal nabad laguma keeni karo,marka uu dagaalku yahay mid aad la dirirayso col aadan u jeedin lama dagaalami kartid adiga oo Taangiyo wata”ayuu yiri Xaaji Maxamed Yaasiin.
Siyaasiga ayaa mar la weydiiyey sababta ay dowladda Soomaaliya ay u taageeri waayeen fikirkooda iyo maskaxdoodane ugu biirin waayeen ayuu kaga jawaabay in madaxweyne Xasan SH uu isku koobay talada dalka isla markaane uu dhega ka furaystay baaqyada ay u direen.
“Markii la doortay 4 maalmood kadib ayaan la kulanay annaga oo Musharixiin badan ah,wuxuuna naga codsaday inaan la shaqayno oo dowladda aan la dhisno,dib noogumuu soo noqon,Saacid markii la magacaabay ayaa isne u tagnay sidoo kale ayuu noola hadlay isne dib umuu soo noqon,waxaa sii socday waqtiga waxaan daganeen Hoteelo kharas badani nooga baxayey,Madaxweynaha iyo R/wasaaruhu iyaga ayaa diiday in lala shaqeeyo waxayna u muuqatay sida ay u dhaqmayeen la idiinma baahnee iska taga”ayuu hadalkiisa kusii daray Xaaji Maxamed Yaasiin.
RBC Radio