Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM oo la wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe

Image may be NSFW.
Clik here to view.
dagaaaal
Mahadaay(RBC Radio) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka aroortii hore u ruqaansaday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe oo ka mid ah deegaanada ay maamulayeen Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaal muddo saacado ah socday kula galay ciidamada AL-shabaab duleedka magaalada Mahadaay,wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in Al-shabaab dagaalka looga itaal roonaaday,ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiligan lagu arkayaa xaafadaha degmada Mahadaay.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Shariif Axmed oo dibad joog ka ahaa degmada ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen magaalada Mahadaay,wuxuuna tilmaamay ineysan la kulmin iska caabin sidaas u weyn.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhammaan 3da xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada Mahadaay ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,wuxuuna tilmaamay iney xiligan ku mashquulsan yihiin xiritaanka Biyaha wabiga oo sida uu sheegay ay Al-shabaab faruureen markii ay ka war heleen iney ciidamada dowladdu kaabiga ku hayaan degmada Mahadaay.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Trending Articles