Baydhabo(RBC) Xildhibaan SH Aadan Madeer oo ka mid ah masuuliyiinta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ka warbixiyey kulamo xiriir ah oo magaalada Baydhabo maalmahan uga socday waftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool oo ku hawlanaan abaabul ay kaga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan SH Aadan Madeer ayaa tilmaamay in kulamada ay la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka gobolada Baay iyo Bakool iney kasoo bexeen natiijooyin wanaagsan,wuxuuna tibaaxay in la gaaray is afgarad ku saabsan murankii taagnaa.
SH Aadan Madeer ayaa xusay iney odayaasha dhaqanka gobolada Baay iyo Bakool ka dhaadhiciyeen isla markaane ay ku qanciyeen iney ka laabtaan go’aankii ay ku sheegeen iney kalsoonida ugala laabteen dowladda Soomaaliya,wuxuuna ka dhawaajiyey in odayaasha dhaqanku ay ka xumaadeen kadib markii deegaano ay aaminsan yihiin iney mudan yihiin in talo laga weydiiyo aysan dowladdu wax tixgalin ah ka siin aayo ka talintooda.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in la isku af gartay in lasoo celiyo wada shaqayntii ka dhaxaysa dowladda iyo bulshada ku dhaqan gobolada baay iyo Bakool,isagoona intaa raaciyey in odayaashu ay xiligan ka tanaasuleen go’aankoodii hore.
Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari oo Saddexdii maalmood ee u danbeysay ku sugnaa magaalada Baydhabo oo uu kulamo kula lahaa odayaasha dhaqanka gobolada Baay iyo Bakoola ayaa shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Baydhabo waxa uu si cad ugu sheegay in odayaasha dhaqanku aysan awood u lahayn iney kalsoonida kala noqdaan dowladda,cidda awoodaas lehne ay tahay xildhibaanada kasoo jeeda goboladaas.
RBC Radio