SH/hoose(RBC Radio) Al-shabaab ayaa digniin u diray ganacsato ay sheegeen iney lacago faalso ah galiyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose,wakiilka Al-shabaab u qaabilsan gobolkaasi SH Maxamed Abu Cabdalla ayaa digniin culus u diray cid walba oo isku dayda iney lacago been abuur ah galiso deegaanada gobolkaas.
Abu Cabdalla ayaa tilmaamay in maamulkoodu ay gacanta kusoo dhigeen nin uu sheegay inuu lacago tira badan oo been abuur ah soo galiyey gudaha gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan deegaanka Buulo-mareer,wakiilka Al-shabaab ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ninkii lacagta deegaanka soo galiyey iyo intii badneed lacagihii faalsada ahaa ee uu watay.
Wuxuuna xusay ineysan marnaba ogolaan doonin in bulshada xoolohooda lagu dhoco lacago faalso ah,Wakiilka Al-shabaab ee Shabeelaha hoose ayaa hoosta ka xariiqay iney dab qabadsiin doonaan lacagta been abuurka ah ee ay gacanta ku hayaan,Abu Cabdalla ayaa ku goodiyey iney tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda iney lacago been abuur ah ummadda ku khiyaanto sida uu hadalka u yiri.
Lacagta ayuu sheegay iney cadad ahaan gaareyso ilaa 20 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah,wuxuuna intaa ku daray iney ku guuleysteen ineysan lacagahaasi dhaafin gudaha deegaanka Buulo-mareer oo aysan u gudbin deegaanada kale ee gobolka,isagoona tibaaxay in lacagahaas laga keenay magaalada Muqdisho.
Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa bilihii u danbeeyey waxaa ka taagnaa xiisado iyo sicir Barar ka dhashay lacago been abuur ah oo ganacsato ay sidan si lamid ah suuqyada galiyeen,taasoo sababatay dhibaato baaxad leh oo soo foodsaartay dadka danyarta ah ee ku dhaqan goboladaas.
RBC Radio