Hargeysa (RBC) Ciidamada booliska Somaliland ayaa kala dhexgalay dagaal gacmaha la isula tagay oo shalay dhexmaray xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo dood ay lahaayeen ay sababtay inay is fara saaraan.
Iyadoo ay golaha wakiilada Somaliland ay shalay ka socotay dood ku saabsan canshuur kordhin ay soo bandhigtay wasaaradda madaxtooyada ayaa waxaa arrinkaasi dood adag ay ka dhex dhalisay golaha wakiilada oo qaarna diidanaayeen kordhinta canshuuraha iyo qaar ogolaa.
Fadhiga golaha ayaa la joojiyey, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanadii dagaalku dhexmarayna laga saaray markiiba hoolka uu shirku ka socday.
Xildhibaano ka mid ah kuwii fadhiga joogay oo markii dambe la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyay wasiirka madaxtooyada Xersi Cali Xaaji unuu kala qeybiyey golaha wakiilada kadib markuu u keenay, siday yiraahdeen xeer canshuur kordhin ah oo aan shaqeyn karin.
Xildhubaanada diidan canshuur kordhinta ayaa ku doodaya in haddii tusaale ahaan la kordhiyo qiimaha lagu canshuuro badeecada ka soo degta dekedda Berbera ay toos ugu kordheyso qofka danyarta ah ee iibsada badeecadda, halka ay la mid noqoneyso qiimaha xoolaha loo dhiifiyo wadamada Carbeed.
Hase yeeshee xildhibaanada ogol canshuur kordhinta iyo xukuumadda Somaliland ee keentay xeerkan ayaa sheegaya inay jiraan dakhli yaraansho heysta dawklada ayna miidaaniyadu u baahan tahay in la kabo sidaasi awgeedna ay canshuurta ku kordhiyeen meelaha qaar.
RBC Radio