Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG: Kulankii Baydhabo uga socday guddoomiyaha baarlamaanka iyo nabadoonada gobolkaas oo soo dhamaadey

$
0
0

IMG_2591

Baydhabo[RBC Radio]Waxaa goor dhawed sida la sheegay soo dhamaaday kulan usocday wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin xubno xildhibaano ah oo gaaraya illaa 55-xubnood ,kaaso labada dhinac ay kawada hadlayeen sidii looso gaba gabeen laha khilaf mudadaan soo xooggaysanayey oo u dhaxeeyey waxgaradka,nabadoonada gobollada Bay iyo Bakool iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday sidii looga wantoobilaha maamul gobolled la sheegay inay dhisayaan nabadoonnada gobollada kaaso ka kob-naan doona lix goboll,waxana ay ku adkaysteen nabaddoonnadu inay sameysanayaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin lix gobol,taaso kentay inuu fashil kusoo gaba gaboobe kulankii uu la laha guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xubnihii socdaalka ku waheliyey.

Sidoo kale kulanku waxaa uu quseeyey sidii go’aan isku mid ah looga gaari lahaa khilaafyada u dhexeeya dowladda iyo nabaddoonnada Digil iyo Mirifle kaaso gaaray in kal soonidii ay kala labtaan nabadoonnadu dowladda faderaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh,iyadoona xiligaan ay ku adkeysteen nabadoonnadu inay dhisyaan maamul gobolled,waxana sidoo kale ay sheegen nabadoonnadu inay da dajindoonan dhismaha maamulkaasi isla markaana la magacaabayo madaxweyne gobolladan ay leeyihiin, waxana markiba dhashay in xildhibaannadii kulanka ka qaybgalay qaarkood ay soo dhaweeyeen fikirka nabaddoonnada halka qaar kalena ay soo jeediyeen in maamulkan loo sameeyo saddex goboll oo keliya.IMG_2612

Sidoo kale is-fahan waaga ka dhex dhashey xildhibaanada ka qeyb galay shirkaa ayaa waxaa uu sababay in gacan qad uu yimaado ka dib markii gacanta iskula tagaan xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo xildhibaanad Sareedo, iyadoo ay soo kala dhexgaleen ciidamada AMISOM oo ilaalo ka hayay, waxaana labadan xildhibaan ee haweenka dibadda looga saaray shirka.

Waxaa sidoo kale qar ka mid ah xildhibaanadu ay soo jeediyeen talooyin dhor ah oo ay ka mid tahay si loo gaaro maamul gobolled in marka hore la dhiso maamul gobol iyo mid degmo si ay jidka ugu sii xaaran in la dhiso maamul gobolled gobollada ka dhaqan gala.

Si kastaa kulanka ayaa lugu kala tagay iyadoona wax is-fahan ah laga gaarin qoddobadii laga wada-hadllay,waxana la isla gartay in maalinka barri ah markale la isku yimaado si go’aan looga gaaro qoddobada xiligaan la isla mari waayey.

Is-fahan waaga ayaa kenay ka dib markii dhawaan magaaladda Baydhabo uu ka furmay shir ay isugu yimaaden dhinacyo kala duwan oo sheegay inay dhisayaan maamul.

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles