Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis dhanka militariga ah[Sawirro]

$
0
0

4

Roma[RBC Radio]Magaaladda Roma ee caasumada dalka Talyaaniga waxaa maantay heshiis dhanka militariga ah ku kala saxiixdey wasiiradda gaashan-dhiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Heshiiska labada dhinac ayaa yimid ka dib markii wasiirka gaashan-dhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Wasiirka gaashan-dhiga Talyaaniga Mario Mauro ay kulan ku qaaten magaalada Roma,waxana heshiiskan uu yahay mid ay dowladda Talyaanigu Soomaaliya ka saacidayso tabarada ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo qalabeenta ciidamada Milatariga ee Soomaaliyed.2

Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay warbaahinta afka dowladda Soomaaliya ku hadasha ayaa waxuu u sheegay in ay wada gaaren dowladda Talyaaniga heshiis wax ka badali kara tayadda ciidamada Milatariga Soomaaliya,maadama xiligaan ay ka helayaan dalkaas tababaro la siiyo ciidamada Soomaalida iyo qalabka Milatariga oo ay ugu deeqi doonan Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa waxaa uu hadalkiisa kusoo qaday in taageerada Milatariga ee xiligaan dowladda Talyaanigu sii say inuu fududen karto in guul laga gaaro kooxaha dowladda ka soo hor jeeda ee gacanta ku hayo deegaano ka tirsan dalka.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi waxaa saxiixa heshiiskan ku waheliyey dhinca Soomaaliya taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya jeneral Afqarshe, iyo taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Heshiiskan ayaa ka dhigaya kii ugu horeeyey ee ay dowladda Talyaanigu la gasho dowladda xiligaan jirta ee Soomaaliya oo caqabada hortagan ay ka mid yihiin amniga oo an wax guul ah laga garain wali.

1

3

2

4

 

________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles