Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiir C/kariim Xuseen Guuleed oo dalka Yemen kula kulmay madaxweynaha dalka Yemen iyo R/wasaaraha dalkaas[Sawirro]

$
0
0

1

Sanca[RBC Radio]Waxaa dalka Yemen ku sugan wasiirka wasaarada arrimaha guddaha iyo ammaanka qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed,waxana uu maantay dalka kulan kula qatay madaxweynaha dalka yemen Cabdi rabi Mansuur Haadi iyo R/wasaaraha dalkaas.

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa shirkii uu la qaadanayey R/wasaaraha dalkaasi Yemen waxay isla soo qaaden inta uu socday arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin iskaashi dhanka aminga ah oo ay ee labada dhal ay isla leeyihiin,la dagaalanka burcada badeeda,argagixisada,arrimaha qaxootiga,tababarida ciidamada iyo tahriibka sharci darada ah,waxana ay isla garteen labada dhinac is si huban la isiga shaqeeyo arrimahas si guul looga gaaro.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumada soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ugu horeen warbixin kooban ka siiyey R/wasaaraha Yemen sida ay xiligaan tahay xaaladda amni iyo daruufaha xiligaan hor yaala in laga gul gaaro dhamanba caqabadaha horyaala in xasilooni dhab ah ay ka dhato dalka Soomaaliya oo muddo 22-sanno kusoo jiray dagaalo iyo bur bur dowladdeed.3

Ra’iisul wasaaraaha dalka Yemen ayaa hadal uu ka hor yihi wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga waxaa uu ku sheegay in xiligaan muhiim ay tahay in Soomaaliya uu ka dhasho ammaan salbuuxa leh,waxana uu tilmaamay in wada-shaqeen buuxda ay ka dhaxeyso dowladdiisa iyo dowladda Soomaaliya ayna doonayan inay ka gacan siiyan dhamanba baahiya hortaagan in amni la helo.

Waxana uu Ra’iisul wasaaraaha dalka Yemen sheegay in dano badan ay ka dhaxayso labada xukuumadood taasina ay keenayso inay dhex marto wada shaqeen iyo taageero labada dhinac isku fidiyaan dowladdiisuna xiligaan doonayso inay door ka qaadato xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku isla maantay la kulmay madaxweynaha dalkaasi Yemen Cabdi rabi Mansuur Haadi,waxana sidoo kale uu wasiirku madaxweynaha ugu waramay sida ay tahay xaaladda dalka Soomaaliya iyo guulaha xiligaan ay gaartay dowladda faderaalka oo uu u gudbiyey dhanbal salan ah oo uu uga sidey madaxweyanaha Soomaaliya Xassan Sheekh.

Waxana wasiir C/kariim Xuseen Guuleed uu ku ammaanay dowladda Yemen marti galisay qaxooti soomaaliyeed oo aad u fara badan,waxana uu ugu mahad-celiyey sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi rabi Mansuur Haadi ayaa sheegay in xiriir qota dheer oo walaaltinimo uu ka dhaxeeyo labada dal,islamarkaana danta dalka Yemen ay ku jirto Soomaaliya oo mid ah islamarkaana nabad ah,sidoo kel madaxweynuhu waxaa uu hadal kiisa kusoo qaday bal qad uu u fidiyey Soomaaliya oo uu sheegay inay taageeri doonaan dhinacyo fara badan.

2

3

1

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles