Roma[RBC Radio]Magaaladda Roma ee caasumada dalka Talyaaniga waxaa maantey kulan ballaaran ku qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha dalkaasi Talyaaniga Enrico Letta,waxana labada dhinac isla soo qaaden wada shaqeynta ka dhaxaysa iyo gacan qabashada xiligaan dowladda faderaalka ay uga fadhido dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kulan kan kala qayb galay oo kulankan ku wehlinayey R/wasaare Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada marwo Fowxiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Faqi, Wasiirka Qorseynta iyo maaliyada Mudane maxamuud Xasna Suleymaan Wasiirudowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Faarax C/qaadir, Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Danjir Muuse Xasan, iyo Madax kale.
Enrico Letta Ra’iisul wasaaraha Talyaanig ayaa kulanka ka hor wuxuu kulan ay iriduhu u xiran yihiin la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo markii dambena si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay ciidamada dalka Talyaaniga, iyadoo ay u tumeen ciidamada bambeydu muusikada astaanta labada calan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Labada dhinac waa madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo R/wasaate Letta ayaa kulankooda kaga wada hadlay doorka dowlada Talyaaniga ee ku aadan arimaha Soomaaliya, iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, kulankaasi gaarka ah ka dib ayaa waxaa ay madaxweynaha iyo R/wasaaraha wada qabteen shir jaraaid oo ay ku faahfaahiyeen kulankooda.
R/wasaaraha Dalka Talyaanig Enrico Letta oo ku hormaray hadalka ayaa waxaa uu si cadd u sheegay inay muhiim tahay kulanka labada dhinac dhex maray adna uu ugu farxsan yahay imaatinka waftiga ka socda Soomaaliya ee tagay magaaladda Roma ee caasumada ah,waxana uu intaa ku daray in xiligaan dowladda Talyaanigu diyaar la tahay gacan qabashada dowladda Soomaalida oo uu sheegay in isbadal badan xiligaan samaynayso,waxana uu intaa ku daray inay door muuqda ka cayaari doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo isna hadalka qatay ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyey iyo kulanka labada dhinac ay kaga wada hadleen aaya labada dal iyo sidii Talyaanigu door muuqda uu uga qadan lahaa soo kabashada dowladda Soomaalida.
Sidoo kale madaxweyne Xassan waxaa uu ka maha-celiyey taageerada xiligaan dowladda Talyaanigu ay sheegtay inay la garab tagan tahay Soomaaliya,waxana uu madaxweynuhu ku amaanay Talyaaniga in ay si weyn kaga duwan tahay taageerada dowladaha kale.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in loo bahan yahay in dowladda Soomaalida laga la shaqeeyo sidii ay uga bixi lahayd aqabaddaha xiligaan horyaale ee la doonayo in looga gud bo si loo helo xasilooni ka dhalata guddaha dalka Soomaaliya.
Xassan Sheekh waxaa uu sidoo kale lugu wadda in uu ka ambabaxo dalka Talyaaniga oo uu maalintii shalay kula kulmay masuuliyin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dalka,waxana madaxweynaha u bilami doonta safar uu ku marato gobollo ka mid ah dalka Maraykanka oo la filayo inuu dhawaan u ambabaxo.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio