Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Muqdisho: Afhayeenkii Xisbul Islaam oo La Xiray Iyo Booliska oo Xaqiijiyey Xarigiisa

$
0
0

Maxamed-MacalinMuqdisho (RBC) Ciidamada booliska dawlada federaalka Soomaaliya ayaa maantaxabsiga dhigay afhayeenkii ururkii horey u burburay ee Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin.

Xariga Maxamed Macalin ayaa yimid ka dib markii shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho uu ku shaaciyey in ururkooda uu ka tanaasulay dagaalka ayna siyaasada ku raadsan doonaan nabadda.

Maxamed Macalin wuxuu sidoo kale shalay ku dhawaaqay in shirweyne ururkooda uu ku tashanayo ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho si buu yiri looga arrinsado aayaha kooxdii la dhihi jiray Xisbul Islaam ee sanadkii 2010 ku biirtay Al Shabaab.

Wuxuu sidoo kale Maxamed Macalin shalay uu ku eedeeyay dawlada iyo hay’adaha amaanka inay si xun ula dhaqmeen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar hogaamin jiray Xisbul Islaam ka hor intii aysan kuwada biirin Al Shabaab.

Maanta ayaa la sheegayaa in ciidamada amaankaee dawlada ay qabteen Maxamed Macalin loona dhaadhiciyey xabsiga ciidamada nabadsugida ee magaalada Muqdisho halkaasoo lagu hayo.

Afhayeenka ciidamada amaanka Gen Maxamed Yuusuf Madaale oo ka hadlay xariga Maxamed Macalin ayaa sheegay inay ciidamadu xireen Maxamed Macalin ayna ku hayaan goob ka mid ah goobaha dadka lagu xiro.

Madaale ayaa ku eedeeyay Maxamed Macalin inuu abaabulay falal amni darro uuna ka mid ahaa xubnihii Al Shabaab ku biiray ee aan dawlada ka helin cafiska.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawlada ay mamnuucis ku soo rogtay in cid ka tirsan ururkii burburay ee Xisbul Islaam ay ku hadasho magaca ururkaasi ama in shirar laguu qabanayo magaca ururkaasi lagu qabto Muqdisho.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles