Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga hadlayey horumarinta Daryeelka Caafimaadka bulshada gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0

banaadirMuqdisho{RBC Radio} Wasaarada hormarinta iyo adeega Bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ka furmay kulan looga hadlayey daryeelka caafimaadka aas aasiga ee G/Banaadir, waxaana kulanka ka qayb galay, gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada u qaabilsan G/Banaadir, gudoomiyayaasha,17ka dedmo ee gobolka Banaadir iyo ururka haweenka ee G/Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir u qaabilsan dhanka Maaliyada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu si diiran u soo dhoweeynayo talaabo kasta oo lagu hormarinayo adeegyada laf dhabarka u ah Caafimaadka bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale ka hadlay madasha Isku duwaha Caafimaadka maamulka  gobolka Banaadir Cismaan Sheekh Cabdi Cismaan Dheere wuxuuna sheegay in mashruucan dhammaan laga hirgelin doono degmooyinka gobolka Banaadir ayna ka faa’iidaysan doonaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda.

Cismaan Dheere oo sii wato hadalkiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in degmo kasta ay samaysato Akoonno, waxa uuna intaa ku daray in Hay’ada hadda mashruucan waddo aysan sii wadi karin ilaa heer gabo gabo ah waxa uuna ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in ay ka faa’iidaystaan Mashruucan.

Waxaa sidoo kale goobta hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir  Marwo Jawaahir Baarqab waxayna tilmaamtay in Haweenka iyo Caruurta ku nool Magaalada Muqdisho aysab haysab daryeel Caafimaad oo ku filan, waxayna sheegtay in ay lagama maarmaan tahay helida daryeel Caafimaad oo dhaqsu ah si loo badbaadiyo Haweebka iyo Caruurta Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles