Muqdisho{RBC Radio} Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Khilaafaad xoogan uu soo kala dhex galay masuuliyiinta ururka Xisbul Islaam, waxaana wararku sheegayaan in uu khilaafkani ka danbeeyey hadal ka soo baxay dhowaan Afhayeenkii Xisbiga oo uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu uga furmay shir ay uga arinsanayaan danaha guud ee Xisbiga.
Gudoomiyaha Guddiga Talada ahna Xoghaya Xisbiga Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay qadka taleefoonka waxa uuna tilmaamay in ayuusan jirin wax shir ah oo Xisbul Islaam uga furmay magaalada Muqdisho.
Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa sheegay inuu Xisbigu leeyahay shuruuc iyo kala danbayn u degsen markuu shir u furmayo ay haboon tahay in ay soo maraan shuruucda uu leeyahay Xisbiga,wuxuuna sheegay in uusan Sheekh Maxamed Mclin Yaxye matalin Xisbiga,wuxuu ku eedeeeyey in uu ku fashilmay danaha Xisbiga.
Gudoomiyaha guddiga shuurada ahna xoghayaha Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa dhinaca kale ka hadlay xariga gudoomiyihii Xisbiga Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna tilmaamay in ay waddo walba u marayaan sidii ay uga sii dayn lahaayeed xabsiga uu ku jiro , waxa uuna sheegay in xariga Sheekh Xasan Daahir Aweeys ay aad uga xunyihiin dhamaan madaxda Xisbul Islaam.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in warka uu ku dhawaaqay Maxamed Macalin inuusan ahayn go’aan ay u dhan yihiin dhammaan masuuliyiinta Xisbul Islaami sida uu tilmaamay,khilaafkan ayaa ka danbeeyey kadib markii afhayeenka Xisbul Islaam Maxamed Macalin uu sheegay inuu Muqdisho shir uga furmay isla markaane ay ka tanaasuleen dagaaladii ay dowladda kula jireen.
RBC Radio