Hargeysa[RBC Radio]Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horaysey ka hadlay teegeeradda maaliyadeed ee xiligaan Soomaaliya ay ugu yaboohen wadamada Midowga Yurub,kadib markii shirka Brussels kusoo gaba gaboobey loogu yaboohay Soomaaliya malaayin doollar.
Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo arrimahan ka hadlay ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday shirkii Brussels iyo arigtida ugu aadan qeybta yaboohas laga siiyey Soomaaliland lagacti lugu deeqay Soomaaliya.
…”"”‘Wadadda Soomaaliland ay xiligaan ku tagan tahay waxba uma dhimi doonyo yabooha lacageed ee shirka Brussels la sheegay in Soomaaliland qeyb ku leedahay,mana naga leexin doonoto taageeradda ay na siiyan Midowga Yurub,qorshaheenuna waa mid cad iyo halka an u socono oo ah qaranimo…”"”ayaa la sheegay inuu yiri madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo qoraal lugu qoray barta uu ku leeyahay twitterka waxaa si faah-faahsan looga hadlay sida soomaaliland ay ula muqato taageerada uu Midowga Yurub u fidinayo Soomaaliya,waxana la sheegay in ay soo dhaweenayso Soomaaliland xiligan taageerada loo fidiyey Soomaaliya.
…”"”"Somaliland waxay soo dhawaynaysaa taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya. Laakiin caawimada Midowga Yurub ee gobalku, Somaliland kama leexin karto dhabaha ay ku gaadhayso qaranimo…”"”ayaa lugu yiri qoraalka lugu soo qoray barta madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka.
Sidoo kale Siilaanyo waxaa uu qoraalka kiisa kusoo qaday Genel Energy oo ah shirkad shidaal oo baaritanka ka wadey qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliland iyadoo baadi goobaysa goobaha uu shidalka kujiro ee dhulka taaso xiligaan ka baxday goobihi ay shaqada ka haysan,waxana jirta bixitankooda in si weyn looga hadal hayey Soomaaliland.
…”"”Dawladda Somaliland waxay sii wadaysaa iskaashiga ay la leedahay shirkadda shidaalka ee Genel Energy, waxaanan ku kalsoonahay in iskaashigayagu midho dhali doono…”"‘ayuu yiri Siilaanya oo ka hadlayey bixitanka shirkadii shidalka ka baaraysey deegaano ka mid ah Soomaaliland.
Si kastaba waa markii ugu horaysey ee uu madaxweynaha Soomaaliland uu ka hadlayo shirkii lugu soo gaba gabeeyey magaaladda Brussels kaaso dowladda Soomaalida loogu balan qaaday in la siin doono malaayin doollar.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio