Baydhaba (RBC) Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay illaa maanta ka socda kulamo u dhexeeya guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen magaaladaasi.
Wararka aan ka heleyno qaar ka mid ah xildhibaanada la socda wafdiga, waxaa xalay kulamada ay dhexmareen guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana kulankaasi xigay mid kale oo saaka dhexmaray sioyaasiyiin, xildhibaano iyo maamulka gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlayo olole ku saabsan sidii loo sameyn lahaa maamulka Koonfur Galbeed ee beryahan lagu karinayey magaalada Baydhabo.
Waxgaradka iyo odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle oo ay kaabayaan siyaasiyiin ayaa raba in waqti dhow ay Baydhabo ku qabtaan kulan looga hadlayo sidii la isugu keeni lahaa beelaha dega lixda gobol ee koonfurta galbeed ee Soomaaliya, kadibna ay ku dhawaaqaan maamul goboleed, sida ay sheegayaan ilo wareedyada.
Koonfur galbeed iyo Shariif Xasan
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in dood ay ka taagan tahay qorshaha sameynta maamulka Koonfur Galbeed iyo qaabka loo sameynayo, waxaana doodan ay soo ifbaxday kadib markii siyaasiyiin diidan dawlada federaalka ay ku soo biireen mashruuca.
Lixda gobol ee kala ah Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka talin doono, iyadoo xarunta maamulkaasina ay noqon doonto magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xubin ka ah baarlamaanka dawlada federaalka, dhowaana dalka ku soo laabtay aya magaalada Muqdisho ka wada olole uu isagu si gaarkiis ah ugu doonayo inuu gacanta ku dhigo qorshaha maamul sameynta lixda gobol.
Warar hoose ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu isku duwday koox xildhibaano, ganacsato iyo siyaasiyiin xoog leh, waxaana uu beryahan kulamo ka waday magaalada Muqdisho.
Ololaha Shariif Xasan ayaa durba culeys ku keenay dawlada federaalka ah xilli uu furnaa kakfadhigii saddexaad ee baarlamaanka federaalka ah oo maalinimadii Axaddii fadhiga u furmi waayey ka dib markii la waayey tiro xildhibaano ku filan fadhiga baarlamaanka.Waxaana taasi ay keentay in guddoomiyaha baarlamaanka oo ah ku simihii madaxweynaha inuu booqasho deg deg ah ugu ambabaxo magaalada Baydhabo.
Durba waxaa soo baxday fasiraado kala duwan oo laga bixinayo safarka Jawaari ee Baydhabo oo ku soo beegmay kadib markii odayaasha Baay iyo Bakool ay ku dhawaaqeen inay dawlada federaalka ka goosteen, iyagoo u yeeray dhammaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beelaha Baay iyo Bakool inay Baydhabo ku soo laabtaan si wadatashi ay u yeesheen.
Dadka ka hadla arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu u baxy inuu dejiyo xiisadaha ka dhanka ah dawlada ee ka jira Baay iyo Bakool iyo inuu ka hortago qorshe uu maleegayo Shariif Xasan taasoo haddii aysan dawladu faraha la gelin caqabad ku noqon doonta dawlada.
Si kastaba saacadaha soo socda ayaa la rajeynayaa inuu guddomiye Jawaari ka hadlo socdaalkiisa, iyo kulamada uu la qaadanayo odayaal beeleedka waxa ay xambaarsan yihiin.
RBC Radio
Baydhabo