Kampala[RBC Radio]Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markale sheegay in tiro ciidamo ah oo lugu xoojinayo howlgallka AMISOM ee Soomaaliya ay soo dirayan,kadib markii la soo gaba gabeeyey tobobar ay ku qaatan xero ku taal dalkaas.
Waxaa la tilmaamay in 2900 oo askari oo lugu birinayo ciidamadaii horay u joogay Soomaaliya ee ka socday dalka Uganda,in la kiini doono dhawaan Soomaaliya,waxana sidoo kale la tilmaamay in uu hoggaamindoono ciidamadaasi sarkaal lagu magacaabo Dick Olom oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dalka Uganda.
Ciidamada Uganda ayaa horay uu ahaa ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ee Soomaaliya jooga,waxana howlgallo lugu xaqiijinayo ammaanka ay ka wadaan magaaladda caasumada ah ee Muqdisho.
Yoweri Museveni madaxweynaha dalkaasi Uganda oo la hadlayey ciidamada xiligaan lugu wado inay soo aadan Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan kuwii horay ujoogay,waxana uu madaxweynuhu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo la doonayo inay wax ka badalan xaaladda ammaan xumo ee dalka muddada 22-sanno bur burka ku jirey.
…”"”"Waxad la socotaan in horay ciidamadeeno ay ujoogen Soomaaliya,wali wax guul ah lagamagaarin in Soomaaliya lasoo ceeliyo xasiloonidii ka jirtay,waa muhiim in dib loosoceliyo kala danbeyntii Soomaaliya ka jiri jirtay,waana taas sababta anuu hadda idin kugu dirayno si ad qayb uga noqotaan kuwa hadda Soomaaliya kusugan ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM,waxad tihiin kuwo matalaysaa shacabka,ciidamada iyo xukuumadda Uganda, waa inaad si aad u wanaagsan uga soo baxdaan howshan la idiin tababaray ee aad ku caawin doontaan shacabka iyo dowladda Soomaalida…”””ayuu yiri madaxweyne Yoweri Museveni oo la hadlayey ciidamada la doonayo in Soomaaliya dhawaan loo soo diray.
Si kastaba waxaa jira in wali ciidamada qeybta ka ah howlgallka AMISOM ay wadaan dadaaladii ay ugu jireen sidii loosugi lahaa ammaanka Soomaaliya dibna looso celin laha xasiloonidi ka jirtay dalka.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio