Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Raad-Raac: wiil Tooktay gabar uu Jeclaa isagana qudha iska jaray (Warbixin).

$
0
0

godob

Garoowe (RBC RADIO)Degmada Godob-Jiraan ee ka tirsan Gobolka Nugaal waxaa ka dhacday Bilowgii 7kan arin mucjiso ah oo Markii ugu horeesay ay maqlaan dadka Gobolka ku nool ahna dhacdo naxdin, layaab iyo Mucjiso Xambaarsan, deegaankaas ayaa Wiil gabar uu jeclaa ku tooktay kadib markii ay u tixgelin weesay Jacayl uu u qabay markuu arkay in Xabadii ay ku dhacday gabadhiina ayuu isagiina isku qaaciyay Xabada si uu uga dabatago oo ay halmeel ku dhintaan sida ay qorshihiisu ahayd una hirgashay.

C/fitaax Axmed Maxamed oo ah wiil la dhashay gabadha dhimatay ayaa RaxanReeb u Waramay wuxuuna ka sheekeynayaa sida ay wax u dheceen bilow ilaa dhamaad:

“ Gabadha waxaa la yiraahdaa Shiino Axmed Maxamed Wiilka Falka geystayna waxaa lagu magacaabaa Mahad Maxamuud Maxamed waa Ilma Adeer Wiilka iyo Gabadhu waxaa kala dhalay 2walaalo ah, lagama warhayn sirta u dhaxaysa iyo hadalada ay is weydaarsadaan laakiin wiilkan mudo gabadha wuu jeclaa dhawr jeer ayuuna ka codsaday in ay isguursadaan laakiin wey ku gacan seyrtay kana hortimi, Maalin ayuu u yimi iyadoo meel cidlo ah joogta oo uu wehliyo Wiil yar oo Walaalkeen ah oo 12sano jir ah sida uu wiilku inoo sheegay Wuxuu gabadhii ku yiri Maanta ayaa ugu dambeesa hadaadan I ogolaan waan ku dilayaa anigana is dilayaa waxaa laga yaabaa in ay arinta kaftan mooday sidi ayeeyna markale uga hortimi oo codsigiisa u diiday kadibna Qori uu watay ayuu ku furay markuu arkay in ay xabadii haleeshay gabadhana isagiina wuu isku dhuftay oo fikirkiisii qaldanaa ayuu ka dhabeeyey.

C/Fitaax Axmed oo la dhashay gabadhii dhimatay oo sheekadiisii sii wata ayaa yiri:

Wiilki yaraa ee Gabadha la socday ayaa warkii inoo soo sheegay durba waxaan ku cararnay halkii ay masiibadu ka dhacday mise waxey indhahaygu qabteen gabadhii oo naftu ku yara jirto iyo Wiilki dilay oo Meyd ah, kadib waxaan gabadhii ula soo cararnay Magaalada Garoowe si aan u badbaadino laakiin nasiib daro inagoon Isbitaalkii Gaarin ayeey Naftu ka duushay waayo Gabadha Caloosha ayaa banaanka taalay oo meel xun Ayeey Xabadu ka haleeshay waxaana markii dambe ku duugnay Qabuuraha Garoowe Isagiina waxaa lagu Aasay Magaaladi ayuu yiri C/Fitaax oo Murug ay ka muuqatay xilligii uu warbixinta gudbinayay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid fajaciso ah oo dadku ay aad ula yaabeen waxayna Raxan-Reeb in mudo ahba baadi goob ugu jirtay xaqiijinta Arintan maadaama uu yahay War Miisaankiisu uu aad u wayn yahay yahayna dhacdo dhaqanka iyo Diinta Islaamka kasoo horjeeda hubsiimo la’aanah aan la Baahin Karin.

Inkastoo Jacaylku uu jiro yahayna Raxmad uu Alle ku beeray Umadiisa hadana Daawashada Aflaamta iyo xiisaynta Dhaqamada Qurbaha oo ay usii dheertahay ku dhaqmid la’aanta Sharciga Islaamka iyo Axaadiista Nabiga ayaa keenaysa bey dad badan qabaan in la caadeysto falal Naxdin leh oo aan sal iyo raad ku lahayn Diinteena Suuban iyadoo Culumadu ay dhawr jeer ku celceliyeen joojinta Daawashada Aflaamta sida kuwa hindiga ah kaasi oo laga dhaxli karo dhacdooyin aafeeya Dhiinteena iyo Dhaqankeena Soomaali-nimo.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles