Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo Xalay Baydhabo kulamo kula qaatay waxgaradka iyo masuuliyiinta gobolada Baay iyo Bakool

$
0
0

jawaari saxBaudhabo(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaaro oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay magaaladaasi kulamo kula qaatay,masuuliyiinta maamulka gobolka Baay,odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa la tilmaamay inuu kala hadlay masuuliyiintii iyo waxgaradkii uu la kulmay,baaqii kasoo baxay odayaasha beelaha Digil iyo Mirife ee la xiriiray iney Kalsoonida kala laabteen dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ah xiligan ku simaha madaxweynaha dalka uu isku dayayo sidii uu odayaash dhaqanka Digil iyo Mirifle ugu qancin lahaa sidii ay uga tanaasuli lahaayeen go’aankooda,isla markaane ay joojiyaan diidmada iyo mucaaradada dowladda ka dhanka ah ee ay wadaan.

Wali wax raasmi ah kama soo bixin kulamada ay yeelanayaan waftiga gudoomiyaha iyo Siyaasiyiinta,maamulka iyo waxgaradka Digil iyo Mirifle,Kulamada ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday sidii aan wararka ku heleyno dhismaha maamulka Koonfur Galbeed oo qabanqaabashada shirka la doonayo in lagu dhiso ay ka socoto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Gudoomiye Maxamed SH Cismaan Jawaari iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo kadib markii Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle ay ku baaqeen in dhammaan masuuliyiinta beelahaas ugu jiray dowladda Soomaaliya iney muddo 2 cisho gudahood ah ku yimaadaan magaalada Baydhabo hadii kalane aysan matalin beelahaas.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Trending Articles