Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Laamaha amniga dowladda oo lagu dhaliilay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada amni xumada ka jirta magaalada Muqdisho

$
0
0

muqdisho cadeeyMuqdisho(RBC Radio) Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya iney ka gaabiyeen gudashada waajibkii loo xilsaaray ee ahaa ilaalinta amniga Mawaadiniinta Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay iney sii socdaan dilalka loo geysanayo dalka biri magaydada ah,wuxuuna ku dhaliilay laamaha amniga dowlada iney ka seexdeen hawshii laga rabay,mudanaha ayaa shaaca ka qaaday iney tahay arin aan la qaadan karin in dadka dilalka ka geysta magaalada Muqdisho aan la soo qaban oo ay baxsadaan.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in hay’adaha amniga dowladda lagula xisaabtami doono habacsanaanta ka muuqata waxqabadkii laga sugayey,Xildhibaan Mahad Salaad Aadan ayaa  cambaareeyey dilkii shalay Muqdisho loogu geystay ganacsade Faarax Shidane oo ka mid ahaa waxgaradka Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa tibaaxay in Saraakiisha amniga dowladdu Soomaaliya ay ku fashilmeen iney wax ka qabtaan falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wuxuuna xusay iney waajibaadkii loo igmaday ay ka seexdeen sida uu hadalka u dhigay lagulana xisaabtami doono masuuliyadda loo dhiibay ee ay dayaceen.

Amniga Magaalada Muqdisho oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan  ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhacay falal amni xumo oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles