Muqdisho(RBC Radio) Shil dhaliyey khasaaro nafeed ayaa xalay ka dhacay deegaanka Carbiska ee gobolka Shabeelaha hoose,shilka ayaa yimi kadib markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxada ah oo ka yimi degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda iyo Mooto ay saarnaayeen dhalinyaro ka timid magaalada Muqdisho.
Gaariga oo nuuciisu ahaa Kaarib ayaa la tilmaamay iney isku dheceen Mootada,waxaana goobta ku naf waayey mid ka mid ahaa 2 wiil oo Mootada Saarnaa iyadoo kii kalane uu dhaawac ka soo gaaray shilka,dadka deegaanka ayaa ku waramay in markii ay isku dheceeb Mootada iyo Gaarigu uu Laamiga ku dhacay wiilasha midka geeriyooday kadibne uu gaarigu Jiiray.
Dadka deegaanka ayaa usoo gurmaday dadka ku waxyeeloobay shilka,wiilkii ku dhaawacmay shilka ayaa waxaa markiiba loola soo cararay cisbitaalada ku yaal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo xaaladiisa xiligan lagu dabiibayo.
Wiilashada dhibaatadu gaartay ayaa la tilmaamay iney ka mid ahaayeen dadka ku nool degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose,shilalka inta badan ka dhaca dalka ayaa waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka,aqoon la’aanta wadayaasha iyo taxadar la’aanta Darawaliinta oo is biirsaday.
RBC Radio