Muqdisho (RBC) Waxaa galabta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka soo degtay diyaarad suday afar wiil oo Soomaali ah oo laga soo celiyey wadamada Netherland iyo Norway.
Diyaaradan oo sida la sheegay soo martay wadanka Turkiga ayaa afarta wiil ee Soomaalida ah waxay toos uga soo dejisay garoonka diyaaradaha Adan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, waxaana diyaarada la socday 10 askari oo booliska wadanka Netherland ka socday.
Dhalinyaradaasi ayaa markiiba lagu wareejiyey masuuliyiinta hay’ada IOM ee qaabilsan dhanka socdaalka iyo taliska waaxda socdaalka dawlada federaalka Soomaaliya.
Mahdi Geedi oo ka mid ah ahaa dhalinyarada Soomaalida ee laga keenay wadanka Netherland ayaa sheegay in mudo uu ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Amestradam halkaasoo diyaarada si xoog ah loogasoo saaray isagoo gacmaha iyo indhaha ka xiran.
Mahdi wuxuu sheegay in sanadkii 2009 uu tagay wadanka Netherand uuna weydiistay magangelyo balse dawlada wadankaasi ay u diiday inay wax magangelyo ah siiso.
“Anigoo aan ogeyn oo aan la igala tashan ayaa habeen madow diyaarad la igu soo riday, waxaana la iga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.” ayuu yiri wiilkaasi oo ka warbixiyey qaabkii looga keenay Netherland.
Mahdi wuxuu ku eedeeyay taliyaha hogaanka socdaalka ee dawlada Soomaaliya Gen C/laahi Gaafow in isaga lagu wareejiyey, isla markaana loo diiday xuquuqdiisa inuu u doodo.
“Gaafow ayaa noo sheegay in dawlada Soomaaliya ay heshiis dadka looga soo celinayo wadamada Yurub inay la gashay dawladaha Yurub.” ayuu yiri.
Hase yeeshee Gen Gaafow oo caawa u waramay VOA ayaa beeniyey jiritaanka warkaasi. Wuxuuna sheegay inuusan jirin wax heshiis ah illaa hadda oo dhexmaray dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawladaha Yurub kuna saabsan dib u soo celinta dadka Soomaalida ah.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho toddobaad kasta imaanayey dhalinyaro si qasab ah looga soo qaado wadamo ku yaalla Yurub, waxaana ugu dambeysay diyaarad toddobaadkii hore keentay dhalinyaro illaa lix gaareysa kuwaasoo afar ka mid ah ay dib u celisay dawlada Soomaaliya.
RBC Radio