Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waftigii ugu ballaarana ee ka socda DFS oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari oo Baydhabo gaaray

$
0
0
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo wafti uu hoggaaminayo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo wafti uu hoggaaminayo gaaray Baydhabo

Baydhabo[RBC Radio]Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa maantay gaaray waftigii ugu ballaarana ee kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya ee gaara magaaladda tan iyo markii la dhisay dowladda xiligaan jirta ee sannad jirsatey,waxana waftiga horkacayey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan (Jawaari).

Waftigaan ayaa markii ay Baydhabo gaaren waxaa si diiran halka ugu soo dhaweeyey masuuliyinta degmada,Odayal ku shirsana maalmahan Baydhabo,Malaaqyadda iyo qeybaha bulshada.

Waxaa socdaalka Baydhabo uu ku tagay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ku waheliyey in ka badan 50-xildhibaan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada,taaso ka dhigaysa tiraddii ugu badned ee masuuliyin kasocda dowladda faderaalka inay Baydhabo gaaren.

Mana jirto ilaa iyo hadda faad-faahin laga haya socdaal ay waftigaasi ku tagay Baydhabo iyo ujeedkisa,balse waxgarad ka tirsan kuwa gobolka ayaa u sheegay warbaahinta in wafdigan inta ay ku sugan yihiin Baydhabo ay ka qaybgeli doonaan kulammo wadatashi ah oo degmadaas ka dhacaya.

Ilaa shalay waxaa magaaladda laga daremayey korarka ciidama kusugan magaaladda kuwaaso waday howlgallo ballaaran oo guri giri ah waxaa illaa maantay la arkayey ciidamadu ku dhex socda guddaha magaaladda Baydhabo kuwaaso isugu jira ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ,waxana maantey si weyn loo ad keeyey ammaanka magaaladda xarunta uu ah gobolka Bay ee Baydhabo.

Sidoo kale waxaa wali kasocda magaaladda Baydhabo shir la sheegay in lugu dhisayo maamul,kaaso la sheegay inay ku midoobi doonan gobollo lix ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan Bay, Bakool iyo Gedo.

Tagidda waftiga dowladda ee magaaladda Baydhabo waxaa uu imaanaya xili ay sheegen waxgaradka iyo malaaqyada ku dhaqan Baydhabo inay xiriirka iyo kalsoonida kala laabten dowladda faderaalka,waxana sidoo kale uu imaanaya safarkan xili shalay malaaqyada iyo waxgaradka gobollada Bay iyo Bakool ay ugu baaqen masuuliyinta dowladda ku jirta ee ka soo jeeda gobollada inay mudda laba maalin ah ay ku yimaadan magaaladda Baydhabo.

Waxaa lugu wada inta waftigaan ay ku sugan yihiin Baydhabo inay la kulmaan waxgarad iyo malaaqyada halkaa kusugan.

__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles